Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

R.W. Geedi oo sheegay in wadamada Afrika ay cafiyeen deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya
Mon. July 23, 2007 11:30 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ra’iisal wasaaraha DKMG ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta golaha wasiirada uga warbixiyey socdaalkii dhowaan uu ku booqday dalal ku yaalla caalamka, isagoo shaaca ka qaaday in wadaamo Afrikaan ay cafiyeen amaahdii ay ku laahaayeen Soomaaliya.

Geedi ayaa wasiirada kula kulmay xarunta nabad sugida ee magaalada Muqdishu, isagoo sheegay in kulankii ka dhacay magaalada Accra ee dalka Ghana loogu xaqiijiyey in Soomaaliya laga cafiyey amaahdii ay lahaayeen wadamada qaarada Afrika, taasina ay war wanaagsan u tahay buu yiri shacabka iyo dowladaba.

Ra’iisal wasaaraha waxa kale oo uu sheegay in booqashadii uu ku tagay dalka sacuudiga uu kula kulmay boqortooyada dalkaasi oo lacago ugu deeqay dowlada KMG. Hase ahaatee ma uusan sheegin cadadka deeqdaasi lacageed.

Mar uu ka hadlayey kulan uu magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta kula yeeshay ganacsato Soomaaliyeed, waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa burcad badaada ku soo badatay xeebaha Soomaaliya.

Dhinaca dhakhliga canshuuraha ka soo xarooda garoomada iyo dekadaha ee dalka ayuu Geedi sheegay in aysan aheyn sidii laga rabay.

Waxa uu sheegay in ilaa shan milyan oo doolar uu ahaa qorshahu in bishii June laga helo caruuraha, hase ahaatee waxa uu ku qancay tafaasiil uu dhiibay agaasimaha wasaarada maaliyada ee dowlada KMG.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


59

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(2) NORTH AMERICA(57)
:::59 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,708 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.