|
|
Q.M oo mudada u kordhisay kooxaha kormeerka xayiraada hubka ee Soomaaliya Tue. July 24, 2007 09:53 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Golaha amaanka ee Q.M ayaa shalay si wada jir ah u ansixiyey qaraar ogolaanaya in muddo lix bilood oo kale ah loogu daro kooxda khuburada ee baaraysa xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya oo ay ka jiraan rabshado, gaar ahaan caasimada Muqdishu.
15-ka xubnood ee golaha amaanka oo ku shaqeenaya qodobka 7aad ee axdiga Q.M ayaa ansixiyey qaraarkii 2003-dii ee lagu aasaasay kooxda kormeerka oo ka kooban afar xubnood oo baaritaan ku sameeya dhaqdhaqaaqa hubka Soomaaliya.
Golahu uu ka codsaday xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon inuu magacaabo xubno cusub oo sii wada baaritaanka lagu sameenayo dhamaan dhaqdhaqaaqyada xadgudubka ku ah xayiraada hubka ee dalka Soomaaliya la saaray sanadkii 1992-kii.
Gudiga kormeerka hubka ayaa baari doona dhaqdhaqaaqyada la xiriira xaga maaliyada ee loo adeegsan karo in lagu soo iibiyo hub.
Guddiga waxa ay sidoo kale baarayaan wado kasta hub lagu gelin karo dalka Somalia hadey ahaan laheyd xaga gaadiidka dhulka, dekadaha iyo garoomada iyo wadiiqo kasta oo hubka la soo marsiin karo.
Golaha amaanka ayaa weydiistay gudiga kormeerka hubka inay cusbooneysiiyaan warbixinada ay ka diyaarinayaan xadgudubyada lagu sameeyo xayiraada hubka ee saaran Somalia.
Dhinaca kale xafiiska Q.M u qaabilsan isku-duburidka kaalmooyinka bani'aadnimo ayaa sheegay in ka badan toban kun oo ruux inay ka barakaceen Muqdishu todobaadkii hore.
Markii ugu horeysay ilaa bishii June dad badan ay ku soo laabtay caasimada, hase ahaatee dadkaasi mar kale ayaa waxaa soo wajahay walaac ay ka qabaan rabshadaha dhacaya.
Hay'adaha samafalka ee Q.M ayaa ku qiyaasay in saddex meelood meel dadka Muqdishu ay ka barakaceen aqaladooda sababo la xiriira dagaalkii sanadkan dhexmaray dowlada MG iyo kooxaha ka soo horjeeda.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|