|
|
Rabshado geystay dhimasho iyo dhaawac geystay oo maanta ka dhacay Muqdishu Wed. July 25, 2007 10:52 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia oo ka jawaabayey qarax bambaano oo lala beegsaday xili ay maanta ku guda jireen howlgalo baaritaan dhinaca waqooyi ee Muqdishu.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, nin aan la aqoon ayaa saakey bambo ku tuuray askarta Ethiopian-ka oo howlgalo militari ka waday nawaaxiga isbitaalka Carafaat oo ku yaalla degmada Yaaqshiid.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray Ethiopian-ka, iyadoo bambkaasi lala waayey bartilmaameedkiisa.
Wax yar ka dib qaraxa, ayaa ciidamada Ethiopia waxa ay fureen rasaas aan loo meel dayin, iyagoo dilay hal qof shacab ah isla markaana dhaawacay laba kale.
Meel kale, weerar garneyl oo lala beegsaday askarta dowlada KMG ayaa ka dhacay suuqa Bakaaraha, halkaasoo ay ku dhaawacmeen saddex boolis ah iyo todobo rayid ah.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Somalinet in nin mayal adag uu ku soo dhex dhuuntay dadka oo fuliyey weerarka abaarahii 9:20 daqiiqo ee saakay.
“Ilaah baa mahad leh, waxaan ku dhowaaday geeri sababtoo ah bambka waxa uu ku qarxay meel aan ka fogeyn halka aan kula sheekeysanayey sarkaal booliska ah oo ay goob shaaha lagu iibiyo,” ayuu yiri Axmed Bile.
Askrta dowlada wax rasaas ah ma aysan furin ka dib qaraxa laakiin waxa ay xireen aaga iyagoo bilaabay baaritaano.
Cidina looma xirin weerarkan ugu dambeeyey ee ka dhacay suuqa Bakaaraha oo deganaa ilaa markii dowlada ay soo afjartay hareereyntiisa. Dadka dhintay waxaa ku jirtay haweeney shaah ku iibinaysay wadada halka kuwa kale ay ahaayeen ganacsatada dharka ku iibiya suuqa.
Sidoo kale qarax ayaa maanta ka dhacay meel ku dhow isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadag halkaasoo bam lagu tuuray gaari ay dowladu leedahay.
Lama yaqaab khasaraha ka dhashay weerarkaasi.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|