Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Duqa magaalada Muqdishu oo nabad ugu baaqay kooxaha mucaaradka
Wed. July 25, 2007 10:53 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Duqa magaalada Muqdishu ee caasimada Soomaaliya Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed Dheere’ ayaa ugu baaqay kooxaha ka soo horjeeda dowlada KMG inay joojiyaan waxa uu ugu yeeray falalka argagixisada oo ay ku soo biiraan dadaalada dib loogu soo celinayo dalka nabadiisa.

Maxamed Dheere ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu shalay ka jeediyey banaanbax lagu qabtay waqooyiga Muqdishu oo lagu taageerayey habsami u socodka shirka dib u heshiisiinta oo maanta galay todobaadkii labaad.

“waxaan ugu baaqayaa kuwa dagaalka ka wada caasimada inay joojiyaan inay qadka ka leexiyaan nabada oo ay aqbalaan inay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta oo halkaasi ay ku soo bandhigaan cabashadooda,†ayuu yiri Maxamed Dheere oo la hadlayey boqolaal taageerayaal oo isugu soo baxay garoonka kubada cagta ee Istaadiyam Koonis ee ku yaalla waqooyiga Muqdishu.

Maxamed Dheere, oo horey u ahaa dagaal ooge, ayaa carabka ku adkeeyey in Banaadir uu yahay gobolka martigeliyey shirka nabada isla markaana dadkiisa ay diyaar u yihiin inay taageeraan.

“17-ka gobol ee kale ee dalka waa inay ku daydaan dadaalka gobolka oo ay xoogsiiyaan shirka dib u heshiisiinta ee lagu soo afjarayo colaada muddada dheer soo taagneyd iyo in la iska iloobo wixii horey u dhacay,†ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Dheere.

Duqa magaalada Muqdishu ayaa ku adkeystay in caasimada ay nabad tahay oo ciidamada amaanka ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan xaalada oo ay ka hortagaan waxa uu ku sifeeyey ‘kooxaha argagixisada’ oo ujeedadoodu ay tahay buu yiri in ay fashiliyaan dadaalada ay wado dowlada KMG.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


59

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(58)
:::59 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,708 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.