|
|
Hogaamiyaha maxkamadaha Islaamiga oo diiday baaq ka soo yeeray guddiga dib u heshiisiinta Thu. July 26, 2007 09:33 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Hogaamiyaha dibad jooga ee maxaakimtii Islaamiga ee la adkaaday ayaa maanta ku gacan seyray baaq ka soo yeeray guddiga dib u heshiisiinta Soomaalida oo ahaa in maxaakimta ay ka soo qeyb galaan shirka nabada oo galay todobaadkii labaad.
Hogaamiyaha golahii fulinta ee maxaakimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku sugan caasimada dalka Eritrea ee Asmara ayaa u sheegay wargeyska ka soo baxa London ee Sharqal Awsat in hadalada ka soo yeeray giddiga shirka dib u heshiisiinta ay yihiin kuwo aan macno laheyn isal markaana aan wax qiimo ah ku laheyn maskaxda shacabka Soomaaliyeed.
“Hadalkan waxba kama quseeyo Maxaakimta Islaamiga, haddii aan nahay madaxda ururka maxaakimta waxaan cadeenaynaa in inta ciidamada Ethiopian-ka ay ku sugan yihiin ciida dalka aan wax wadahadal lagu qaban Karin gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Sharif oo intaa ku daray in wadanka uu haysto cadow taariikhiya oo Ethiopia ah,”
waxa uu ku celceliyey in maxaakimta Islaamiga aanay weligood aqbali doonin in ay ka qeyb galaan waxa uu ugu yeeray shirka shirqoolka, isagoo ku tilmaamay baaqa ka soo yeeray guddiga mid aan macno laheyn.
Haddii dowlada daba-dhilifka buu yiri ay doonayso inay shirka ka dhigto mid loo dhan yahay waa inay dalka ka saartaa ciidamada Ethiopia. “inta askarta Ethiopia ay joogaan dhulkeena, Maxaakimta lama xaajoon karaan dowlada,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Diblomaasiyiinta reer galbeedka waxa ay leeyihiin go’aanka ka soo yeeray guddiga ee ay ugu ogolaadeen islaamiyiinta inay ka soo qeyb galaan shirka uu u muuqdo isbadel ku yimid mowqifkoodii hore.
Goor sii horeysay ayaa dowlada KMG waxa ay sheegtay in aysan u ogolaan doonin madaxdii maxaakimta Islaamiga inay shirka kaga soo qeyb galaan iyagoo matelaya wata magacooda laakiin ay kaga soo qeyb geli karaan magaca beelaha.
Hadalka dowlada ayaa hadda waxa uu ka hor imaanayaa baaqa ka soo yeeray guddiga shirka dib u heshiisiinta ee ay ku dhawaaqeen in hogaamiyayaasha maxaakimta ay magaca ay doonaan kaga soo qeyb geli karaan shirka.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|