Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

R.W. Soomaaliya oo qalad ku tilmaamay dhaliisha baarlamaanka ay qabaan
Fri. July 27, 2007 05:06 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta sheegay in gebi ahaanba ay qalad tahay xubnaha baarlamaanka ay warbaahinta ka dhaleeceeyaan xukuumadiisa – iyadoo sharci-dejiyayaasha ay xaruntooda Baydhabo kaga doodayaan mooshinka la socodka howlaha baarlamaanka iyo la xisaabtanka dowlada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkan sheegay wax yar ka hor inta aanu maanta ka dhofin Muqdishu isago ku sii jeeda caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa halkaasoo uu kula kulmayo madax ka tirsan Yurub.

Waxa uu u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha in ay habooneyd in mudanayaasha baarlamaanka dhaliisha ay hayaan ku soo qaadaan hoolka baarlamaanka oo ay halkaasi su’aalaha ku weydiiyaan xukuumada.

Mr. Geeddi ayaa ku sheegay booqashadiisa Addis Ababa inay tahay mid uu kula kulmayo wasiirka arrimaha dibada Faransiisa oo uu kala hadli doono xiriirka labada wadan iyo sidii Faransiiska uu door uga qaadan lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Geeddi waxaa socdaalkiisa ku wehlinayey wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta ka dambeysa kulanka Geedi uu la yeelan doono wasiirka arrimaha dibada Faransiiska inay tahay inuu kala hadlo walaaca dhinaca amaanka ee ay qabaan madaxda Yurub.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(2) NORTH AMERICA(55)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,708 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.