Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Madaxweynaha Soomaaliya oo arrimaha kala hadlay madaxweynaha Puntland
Sat. July 28, 2007 06:27 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa hadda booqasho ku jooga maamulka goboleedka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya halkaasoo wada-hadal uu kula yeeshay madaxda maamulkaasi.

Madaxweyne Yuusuf oo isagu gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xersi oo uu kala hadlay arrimaha amaanka gobolka.

Ka dib kulan xasaasi ah uu la yeeshay mas’uuliyiinta gobolka ayaa Mr. Yuusuf waxa uu u sheegay suxufiyiinta in dowlada KMG ay wayaabo badan wadaagaan Puntland.

Madaxweyne Cadde Muuse ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay gacan ka siiso dowlada KMG sugida amaanka iyo deganaanshiyaha iyadoo kumaan kun oo ciidamo ka socda Puntland ay horey ugu biireen dowlada KMG si ay u daafacaan jiritaankeeda.

Madaxweyne Yuusuf oo ka soo jeeda gobolada Puntland ayaa amaanay doorkii ay Puntland ay ka qaadatay taageerada dowlada KMG.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee Puntland ayaa ujeedadeedu ahaa la soo afjaro mushaakilka xaga dhaqaalaha ee hareereeyey gobolka iyadoo Puntland ay maalmahan uu ka dhacay sicir barar xaga nolosha ah sababo la xiriira lacagaha la soo daabacay.

Waa booqashadii labaad oo rasmiya oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Puntland ilaa markii dowlada KMG ay timid Muqdishu dabayaaqadii bishii December ee sandkii hore 2006-dii ka dib markii la saaray maxaakimtii Islaamiga.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


59

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(58)
:::59 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,709 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.