Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Weerar gaadmo ah oo lagu dhaawacmay askari ka tirsan dowlada KMG iyo dad cibaadeesanyey oo la xir xiray
Sun. July 29, 2007 09:56 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Kooxo aan la aqoon oo lagu xiriirnayo maxaakimtii Islaamiga ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday qaar ka mida askarta dowlada KMG ee fariisinka ku leh isgoyska Florenca ee degmaga Wardhiigley ee koonfurta Muqdishu iyadoo magaaladana uu bandow saaran yahay todobaadkii lixaad.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Somalinet in weerarka uu abaarahii 12:40 habeenimo ka dhacay isgoyska halkaasoo askarta ay rasaas is weydaarsadeen kuwii weerarka soo qaaday.

Kooxaha muqaawamada ayaa baasuukayaal iyo bam gacmeedyo ku weeraray ciidamada.

Hal askari ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay weerarkii xalay dhaca iyadoo ciidamada amaankana ay saakey isku gadaameen aaga ay wax ka dhaceen iyagoo xiray dhamaan wadooyinka si ay u sameeyaan baaritaan ay ku daba-galayaan cida weerarka soo qaaday.

Cidina looma xirin weerarka dhacay.

Dhinaca kale bam ayaa saakey aroortii ku qarxay meel ku dhow isgoyska KPP ee degmada Hodan wax yar ka dib markii ciidamada dowlada ay weerareen masaajid ku yaala deegaanka oo ay halkaasi ay ka soo xireen toban qof oo ka mida dadkii ku cibaadeesanayey masaajidka.

Wararka waxa ay sheegayaan in todobo ka mida kuwa la soo xiray ayaa markii dambe la siidaayey.

Nin aan ka aqoon ayaa bamka ku tuuray askarta laakiin la soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray iyaga.

Ciidamada amaanka ayaa xiray aaga qaraxa uu ka dhacay iyagoo baaraya cida ka dambeysay qaraxa.

Kooxaha mucaaradka ayaa wada weeraro ay ku beegsanayaan fariisimada dowlada iyo xulufadeeda Ethiopia.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


87

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(54) NORTH AMERICA(29) EUROPE(4)
:::87 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,706,198 posts, 116,307 topics and 76,753 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.