Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Qarax ka dhacay meel ku dhow guriga duqa magaalada Muqdishu
Sun. July 29, 2007 09:57 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Bam ayaa ku qarxay meel ku dhow aqalka duqa magaalada Muqdishu Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed Dheere’ ee waqooyiga Muqdishu, laakiin lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhacay bamkaasi.

Ma cadeyn haddii Maxamed Dheere uu aqalkiisa uu ku sugnaa xiliga uu weerarka dhacay.

Ku xigeenka duqa magaalada Muqdishu C/fitaax Shaaweeye ayaa beeniyey in qaraxa lala beegsaday guriga Maxamed Dheere.

“Halka uu bamku ku qarxay aad aby uga fog tahay guriga duqa magaalada, tani waa dayaacad ay sameysteen kooxaha mucaraadka,” ayuu yiri Shaaweeye.

Goor sii horeysay duqa magaalada Muqdishu ayaa ka badbaaday isku dayo la doonayey in lagu qaarijiyo ka dib markii ay dhaceen qaraxyo wadada dhinaceeda la dhigay.

Meel kale, hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen markii nin aan la garaneyn uun bam ku tuuray meel ku dhow goob shaaha lagu iibiyo halkaasoo koox dadka deegaanka ah ay ku caweenayeen degmada Shangaani ee bariga Muqdishu.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay Somalinet in bamka loola dan lahaa askarta dowlada laakiin lala waayey, askarta midkoona kuma dhaawacmin weerarka.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


92

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(74) NORTH AMERICA(17) EUROPE(1)
:::92 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,694,420 posts, 114,800 topics and 76,628 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.