Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Dowlada oo maanta laba askari looga dilay Muqdishu
Sun. July 29, 2007 10:05 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Qof la tuhunsan inuu ka mid yahay kooxaha mayalka adag ayaa maanta toogasho ku dilay laba askari oo ka tirsan dowlada KMG oo ku sugneyd suuq Bacaad ee ka mida degmada Yaaqshiid ee waqooyiga Muqdishu.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Somalinet in ninkan mintidka ah uu weerar gadamo ah kuq aaday askartan oo maraysay gudaha suuqa Bacaad abaarahii 12:20 daqiiqo ee maanta.

“Nin ku hubeysan bistoolad ayaa weerar gaadmo ah ku dilay askarta,” ayuu yiri goob jooge ka gaabsaday magaciisa.

Wax yar ka dib markii toogashadaasi ay dhacday ayaa ciidamada amaanka waxa ay xireen aaga, waxa ayna bilaabeen baaritaano gudaha suuqa, iyagoo soo qab qabtay dhowr qof oo lagu xiriirinayo weerarka dhacay.

Booliska ayaa su’aalo weydiinaya dadka la xiray. “Qofkii lagu waayo wax dembi ah waa la siideyn doonaa laakiin qofkii dembi lagu helo waa la xiri doonaa,” ayuu yiri sarkaal xaga deegaanka ah.

Askarta dowlada iyo ciidamada Ethiopia-ka ayaa bartilmaameed u ahaa weeraro gaadmo ah iyo bambaanooyin ay fulinayaan kooxaha muqaawadamada ilaa dalka laga saaray maxaakimtii Islaamiga dabayaaqadii bishii December sanadkii 2006-dii. Maxaakimtii Islaamiga ayaa soo xukumayey badi koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo lix bilood ah.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


138

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(68) NORTH AMERICA(67) EUROPE(3)
:::138 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,755,301 posts, 121,777 topics and 77,178 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.