Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Dad rayid ah oo maanta ku dhintay qaraxyo ka dhacay suuqa Bakaaraha
Sun. July 29, 2007 11:08 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay, afar kalena waa lagu dhaawacay afar qarax oo maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee koonfurta Muqdishu. Qaraxyadu ayaa ka dhashay bambaanooyin lala beegsaday askarta dowlada oo ku gudaha jiray howlo lagu nadiifinayo suuqa oo kabarada looga qaadayo wadooyinka suuqa.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo suuqa ka mida iyadoo askarta ay fureen rasaas ay uga jawaabayaan weerarada bambaano.

Ma jiro wax khasaare dedg deg ah oo laga soo sheegay askarta dowlada. Ka hor qaraxyada ayaa ciidamada waxa ay isticmaalayeen baldoosaro ay ku burburinayeen dhismooyinka sharci darada ah.

Dukaamada ku yaalla goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa la xiray in cambaar ah iyadoo ay socdaan baaritaano lagu daba-galayo kuwa weerarada sameeyey.

Kooxo mucaarad ah ayaa fuliyey qaraxyadan ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha Bakaaraha oo mudooyinkan xasiloonaa ilaa markii dowlada ay soo afjartay hareereynta todobadakii hore.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(56)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,714 posts, 125,195 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.