Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Ciidamada Ethiopia oo caawa lagu weeraray Muqdishu
Sun. August 05, 2007 02:12 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Mintidiin islaami ah ayaa caawa weerar baasuke oo gaadmo ah ku qaaday ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh warshadii hore ee Baastada ee ku taalla waqooyiga Muqdishu, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerarka ayaa bilowday 6:40 salaadii maqrib ka dib waxa uuna dhamaaday 7:20 fiidkii ee caawa iyadoo kooxahu ay baasuukayaal ku weerareen saldhiga Ethiopian-ka.

Lama soo sheegay wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Ethiopia. Labada dhinac waxa ay isticmaaleen hubka culu culus iyadoo dhawaqa qaraxyada laga maqlayey xaafadaha ku xeeran warshada baastada.

Dadka deeganka ayaa u sheegay Somalinet in rag isa soo qariyey ay weerarka fuliyeen iyadoo askarta Ethiopia-na ay ku jawaabeen hubka madaafiicda. Koocaxah muqaawamada ayaa wada inay fuliyaan weerar habeenkii dhaca oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ku qaadayaan ciidamada dowlada iyo xulufada Ethiopia.

Weerarkan caawa ah ayaa yimid iyadoo maanta ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia ay bareen guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla qeybta koonfureed ee Muqdishu , iyagoo xir xiray tobaneeyo dad ah isla markaana la wareegay hub.

Dhinaca kale shan qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal qabiil oo ka dhacay magaalada Jilib oo 400km koonfur kaga beegan caasimada Muqdishu.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


61

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(60)
:::61 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,711 posts, 125,195 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.