|
|
12 ruux oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay Buur-hakaba Mon. August 06, 2007 12:58 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) 12 qof ayaa lagu dilay, dhowr iyo toban kalena waa lagu dhaawacay dagaal xaga qabaa’ilka ah oo maanta ka dhacay meel ku dhow magaalada Buur-Hakaba oo 210km waqooyi galbeed kaga toosan caasimada Soomaaliya ee Muqdishu.
Dagaalkan oo dhexmaray laba beel oo iska horjeeda ayaa waxaa sababay muran ka dhashay dhul beereed iyo daaqsin.
Maleeshooyin ka soo kala jeeda labada beelood ayaa ku dagaalamay tuulada Qode-Qode oo dhowr u jirta magaalada Buur-Hakaba halkaasoo labada dhinac ay is dhaafsadeen rasaas xoogan. Dagaalka ayaa sababay dhimashada 12 ruux iyo dhaawac soo gaaray in ka badan 10.
Cabdi Husseen Awqari, gudoomiyaha Buur-Hakaba ayaa cambaareeyey dagaalkan isagoo ku tilmaamay mid aan loo baahneyn oo keenay khasaare bani’aadnimo.
Axadii shalay, shan qof ayaa lagu dilay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal kan la mid ah oo ka dhacay magaalada Jilib oo 400km koonfur kaga toosan caasimada Soomaaliya ee Muqdishu.
Askarta dowlada oo ka soo jeeda beesha Mareexaan oo ka yimid magaalada Kismaayo ayaa ku duulay magaalada Jilib halkaasoo ay kula dagaalameen maleeshooyinka beesha Sheekhaal, iyadoo saacado ka dibna ay la wareegeen magaalada.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|