|
|
Dad ku dhintay tacshdiirado ka dhacay Muqdishu xilli ay socdaan baaritano Mon. August 06, 2007 12:59 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Haweeney ayaa maanta ku dhimatay , saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen caasimada Soomaaliya ee Muqdishu ka dib markii ciidamada Ethiopia ay fureen rasaas aa kala sooc laheyn, iyagoo ka jawaabayey weeraro bambaano o ka dhacay xaafada Gubta ee degmada Dayniile.
Weerarada oo ay fuliyeen rag deegaanka ah oo aan la aqoon ayaa dhacay iyadoo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay howlgalo balaaran ka wadeen qeybo ka mida degmooyinka Dayniile and Wardhigley.
Intii ay socdeen howlgalada, cidamada isbaheystay waxa ay baareen guryo badan, waxayna soo xir xireen ku dhowaad boqol rayid ah,m iyagoo sidoo kale xiray wadooyinka.
Dadka la xiray waxaa ku jiray sida la sheegay caruur iyo haween. Howlgaladii maanta waxa ay saameyn ku yesheen dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu-socodka dadka.
Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay galeen oo ay baareen xarunta raadiyaha Horn Afrik oo ku taalla xaafada Gubta, waxayna u diideen shaqaalaha inay qabsadaan howlahooda saxaafadeed.
Ma cadda sababta Horn Arik loo baaray waqtigan, waxna kama aysan helin, sida laga soo xigtay mid ka mida suxufiyiinta raadiyaha.
Meel kale, qarax bambaano ayaa lala beegsaday askarta dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, laakiin ma jiraan wax khasaare ah oo laga soo sheegay askartaasi.
Dhacdo kale, ciidamada Ethiopia ee degan warshadii hore ee Baastada ayaa rasaas ay fureen waxa ay dishay hal qof oo rayid ah waxa ayna dhaawacday laba kale ka dibn markii nin aan la garaneyn uu bam gacmeed ku tuuray saldhigooda.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|