|
|
Dowlada oo fashilisay weerar bambaano iyadoo dagaalna uu ka dhacay koonfurta Gaalkacyo Tue. August 07, 2007 03:15 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Ciidamada amaanka ee gobolka Shabellada dhexe oo waqooyi kaga toosan caasimada Soomaaliya ee Muqdishu ayaa maanta fashiliyey qorshe la doonayey in bamb loo dhigo gawaarida dowlada ee isticmaalaysa wadada tagta Muqdishu.
Mas’uuliyiinta waxa ay sheegeen in ciidamada ay weerareen kooxo mintidiin ah oo ku guda jiray fal ay ku rakibayeen miinada nooca wadooyinka la dhigo iyagoo soo xir xiray laba mida ragaasi.
“ciidamada waxa ay ku guuleysteen inay soo saaraan miinooyin lagu aasay wadada oo looga dan lahaa in lagu khatar geliyo labaduba askarta iyo dadka rayidka eek u safra wadadaasi, waa dambiilayaal hadda ku jira xabsiga” ayuu yiri sarkaal xaga amaanka ah oo diiday magaciisa in la shaaciyo.
Waxa uu intaa ku daray in qof ka mida ragii qorshaha waday uu ku dhintay bam ku qarxay iyagoo doonayey inay dhigaan.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyey bambka la soo bixiyey iyagoo ka cabsi qaba in waxyaabo kale oo qarxa ay weli ku aasan yihiin wadada.
Waa markii ugu horeysay oo ciidamada amaanka ee gobolka Shabellada dhexe ay fashiliyaan isku day weerar bambaano ilaa markii ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia ay dalka ka saareen maxaakimtii islaamiga dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore ee 2006-da.
Dhinaca kale, hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen iska horimaad maanta dhexmaray askarta dowlada iyo maleeshooyinka deegaanka oo ka dhacay koonfurta maanta Gaalkacyo oo 750km waqooyi kaga toosan caasimada.
Dagaalka ayaa dhacay markii maleeshooyinka ay doonayeen inay dhistaan dhulka garoon kubada lagu ciyaaro oo ku yaalla qeybta koonfureed ee magaalada halkaasoo ay isku dhaceen ciidamada dowlada.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|