Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Saldhiga booliska degmada Wadajir oo caawa la weeraray.
Fri. August 17, 2007 03:42 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Iyadoo ay soo tarayaan weerarada wax iskacaabin ee lagu hayo fariisimada dowlada ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdishu, ayaa kooxaha Islaamiyiinta waxa ay caawa baasuukayaal ku weerareen saldhiga booliska degmada Wadajir oo ku taalla dhinaca koonfur-galbeed ee caasimada.

Ma jiro khasaare deg deg ah oo soo gaaray askartii ku sugneyd saldhigaasi boolis.

Axmed Daaci, guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa caawa u sheegay warbaahinta gudaha in kooxo muqaawamo ah ay weerareen saldhiga booliska.

Waxa uu sheegay in booliska ay iska caabiyeen kuwa weerarka soo qaaday iyagoo buu yiri ku jawaabay qoryaha boobayaasha.

Dhawaaqa rasaasta la is-dhaafsaday ayaa laga maqlayey guud ahaan degamada, taasoo cabsi ku tuurtay dadka deegaanka.

Xarumaha booliska ee todobaadkan gudahiisa la weeraray waxaa ka mida Wadajir, Hodan, Howlwadag iyo Huriwa.

Dhacdadan ugu dambeysa waxa ay qeyb ka tahay weeraro xiriir ah oo lagu qaadayey fariisimada dowlada dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay.

Ciidamada Ethiopia ee taageerayey dowlada KMG ayaa dalka ka saaray maxaakimtii Islaamiga sanadkii hore dagaal dhiig badan uu ku daadatay oo galaaftay nolosha kumaan kun oo dad ah.


News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


59

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(2) NORTH AMERICA(57)
:::59 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,708 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.