|
|
Saddex boolis ah oo maanta ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay Muqdishu Sat. August 18, 2007 05:47 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada KMG ayaa maanta la dhaawacay ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen ay la qaraxday miino loo dhigay meel ku dhow dugsiga tababarka booliska ee ku yaalla Muqdishu, caasimada Soomaaliya, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah – iyadoo u jiro walaac isa soo taraya oo ku saabsan amaanka caasimada oo ay dhacayaan qaraxyo joogto ah.
Waxa uu ahaa miinada nooca qarxiyo qalabka sheeda wax ka haga xilli gaariga dowlada uu marayey wadada abaarahii 7:15 daqiiqo see saakey, sida uu sheegayaan goob joogayaasha.
Kooxaha laga shakisan yahay ee wax iska caabinta ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarka bambaano.
Ciidamada amaanka ma aysan furin wax rasaas ah laakiin waxa ay xireen goobta qaraxa uu dhacay iyagoo baadi goobaya dadka la tuhunsan yahay.
Qofna looma qaban weerarkan ugu dambeeyey, iyadoo xalay oo Jimco aheyd ay kooxaha islaamiyiinta weerareen saldhigyada booliska ee degmooyinka Waaberi iyo Wada-jir iyagoo adeegsanayey qoryaha cul culus iyo baasuukayaal.
Muqdishu ayaa aheyd magaalada ay taagn yihiin rabshado ilaa markii ciidamada Ethiopian ee taagerayey dowlada KMG ay dalka ka saareen dabayaaqadii bishii December 2006-dii.
Saddex meelood meel dadka deegaanka gaar ahaan dadka dhalinyarada ayaa isaga qaxay Muqdishu sababo la xiriira rabshadaha isa soo taraya.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|