|
|
20 ruux oo lagu dilay dagaal-beeleed maanta ka dhacay bartamaha Soomaaliya Sat. August 18, 2007 10:58 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) 20 qof ayaa ku dhimatay, tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo maanta dib uga soo cusboonaaday qeybo ka mida dhulka miyiga ee gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalkaasina uu ku baahay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo jeeda beelaha Murursade iyo Xawaadle ayaa waxa uu saakey ka dhacay tuulooyinka Gorof iyo Goobo ee gobolka Hiiraan.
Wararka laga helayo magaalada Beledweyn oo magaalo madax u ah gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ku sii fidayo dhulka miyiga ah ee gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaano ku dhow degmada Ceelbuur.
Labada beel ayaa ka wada tirsan qabiilka Hawiyaha oo ka mida afarta qabiil ee ugu waaweyn Soomaaliya , iyadoo labada beel ay mudaba ka dhaxeysay aano-qabiil.
Daagalkan ugu dambeeyey waxa uu yimid iyadoo ay socoto waan waan laga dhex wado labada dhinac ee dagaalamaya, kuwaasoo isku haysta daaqsin iyo lahaansho dhul.
Dowlada hadda ee KMG ayaan weli ka hadlin dagaalkan xaga beelaha ee ka dilaacay bartamaha Soomaaliya .
9-kii bisha August ayaa sagaal qof waxaa lagu dilay weerar aar-goosi ah oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Ceel-buur ee gobolka Galgadud ee bartamaha Soomaaliya.
Maleeshooyin hubeysan oo ka soo jeeda beesha xawaadle ayaa ku duulay tuulada Wabxo oo 40km dhinaca bari kaga toosan Ceel-Buur halkaasoo ay ku dileen sagaal nin oo ka tirsan beesha Murarsade.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|