|
|
Booliska oo dad ku dhaawacay, kuwa kalena ku soo xir xiray Muqdishu Sun. August 19, 2007 12:19 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Laba qof oo rayid ah ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray markii ciidamada amaanka ee dowlada KMG ay maanta rasaas ku fureen suuq ay dadka ka buuxaan oo ku yaalla degmada Huriwaa ee waqooyiga Muqdishu ka dib xalay dagaal xalay magaalada ku dhexmaray kooxaha wax iska caabinta iyo ciidamada dowlada, sida ay sheegeen dad goobjooyaal ah.
Askarta, oo saakey aroortii weeraray suuqa, ayaa sidoo kale waxa ay xir xireen ilaa toban ruux oo ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin weerarada mucaaradka.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Somalinet in ciidamada booliska ay fureen rasaas aan kala sooc laheyn si ay u kala eryaan dadka, iyagoo ka cabsi qaba in kooxaha muqaawamada ay ku soo dhex dhuuntaan dadka.
Qof ka mida rayidka ku dhintay rasaasta la furay ayaa ahaa nin suuqa ka xamaasha halka qofka kalena uu ahaa nin ka dukaameesanayey suuqa iyadoo ruux dhaawacmayna ay aheyd haweeney.
Dowlada ayaan weli wax war ah ka soo saarin tacshiirada ay fureen ciidamada booliska.
Ciidamada amaanka ayaa mar kasta waxaa lagu eedeeyaa inay xabado isaga furaan aagaga ay degan yihiin dadka rayidka iyagoo sababaya khasaare nafeed.
Xalayna, kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda dowlada ayaa baasuukayaal iyo hoobiyayaal ku weeraray fariin ay joogeen askarta dowlada meel ku dhow isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee ee ku yaalla dhinaca waqooyi ee Muqdishu.
Saddex ka mida shaqaalaha SOS iyo canug yar oo bukaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay hoobiye ku soo dhacay gudaha isbitaalkaasi.
Gabadh laba sano iyo bar jir ah ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarkaasi.
Afhayeenka ciidamada booliska booliska Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday oo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|