Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Beelo Soomaaliyeed oo weli isku dilaya gobolka Hiiraan
Sun. August 19, 2007 12:49 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Shan qof oo kale ayaa lagu dilay dagaal u dhaxeeya beelaha Murursade iyo Xawaadle oo mar kale ka bilowday dhulka baadiyaha ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya shalay gelinkii dambe maalin ka dib markii 20 ruux lagu dilay isla gobolkaasi, sida ay sheegayaan wararka maanta la helayo.

25 ruux ayey ka dhigaysaa tirada dadka loo dilay aano qabiil 24 saac gudaheeda.

Labada beelood ee ka diraraya ayaa ka wada tiran Hawiye oo ah qabiilka afaraad ee ugu weyn Soomaaliya.

Goor sii horeysay oo shalay ahna, dagaal xoogan ayaa ka dilaacay tuulooyinka Gorof iyo Goobo oo ka tirsan Hiiraan iyadoo dagaalkana uu ku fiday gobolka ku dhow ee Galgaduud, halaasoo ay ku naf-waayeen ilaa 20 rag ah.

Sagaalkii bishana, sagaal qof ayaa lagu dilay weerar aargoosi ah oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Ceel-buur oo ka tirsan Galgaduud, bartamaha Soomaaliya.

Maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa xiligaasi waxa ay soo weerareen tuulada Wabxo oo 40km bariga kaga toosan Ceel-buur halkaasoo ay dhegta ay dhiiga u dareen sagaal nin oo ka soo jeeda beesha Murursade.

Odoyaal nabadoono ah ayaa waday dadaalo ay isku dayayaan inay wada-hadal nabadeed dhex dhigaan maleeshooyinka beelaha is diliya.

Soomaaliya ayaa taariikh u leh dagaalada xaga beelaha ah ee la isku qabsado kheyraadka dhulka miyiga sida biyaha iyo daaqsinka, laakiin odoyaasha dhaqanka ayaa mar kasta u istaagi jiray sidii geed hoostiisa loogu xalin lahaa colaada sida uu qabo dhaqanka.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


61

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(60)
:::61 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,710 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.