|
|
Qarax ka dhacay meel ku dhow goobta shirka dib u heshiisiinta ee Muqdishu Mon. August 20, 2007 11:58 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Qarax ka dhacay meel ku dhow goobta shirka dib u heshiisiinta ee Muqdishu
Qarax miino oo lala damacsanaa askarta dowlada KMG ayaa maanta ku qarxay meel ku dhow goobta uu ka socdo shirka u dib heshiisiinta beelaha Soomaalida ee waqooyiga Muqdishu.
Waxaa jira warar is khilaafsan oo ka soo baxaya tirada dadka ku dhaawacmay qaraxaasi.
Gopb joogayaal ayaa u sheegay Somalinet in saddex rayid ah ay ku dhaawacmeen shilkaasi halka ilo xaga amaanka ahna ay sheegayaan in hal qof oo rayid ah uu dhaawac soo gaaray.
Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen, afhayeenka booliska, ayaa u xaqiijiyey warfidiyeenka in uu ahaa miino lagu soo qariyey bac oo qaraxday.
“Askarina kuma dhaawacmin weerarkaasi, laakiin waxaan idiin xaqiijin karaa in hal qof oo rayid ah uu ku dhaawacmay qaraxaasi ilaa hadda,” ayuu yiri Cabdiwaaxid.
Dhinaca kale, xalay kooxaha muqaawamada ayaa dhowr hoobiye ku garaacay fariisin ay joogaan ciidamada dowlada meel ku dhow isbitaalka dhalaanka iyo hooyada ee SOS ee ku yaalla waqooyiga Muqdishu. Laakiin wax khasaare ah lama soo sheegin.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|