|
|
Maxamed Dheere oo u hanjabay odayaasha Hawiye ee mucaaradka Mon. August 20, 2007 12:48 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Duqa magaalada Muqdishu ee caasimada Soomaaliya Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed Dheere’ ayaa maanta si xoogan ugu eedeeyey garabka mucaaradka ee odayaasha beelaha Hawiye inay ka dambeeyaan rabshadaha ka dhanka dowlada KMG.
Maxamed Dheere, oo horey u ahaa dagaal-ooge, ayaa hadalkan sheegay ka dib markii maamulkiisa uu maanta soo bandhigay cadad badan oo hub sharci daro ah oo ciidamada amaanka ay ku soo qabteen howlgaladii dhowaan laga fuliyey caasimada.
Hubka ayaa lagu soo bandhigay dugsiga tababarka booliska ee ku yaalla Muqdishu halkaasoo duqa magaalada uu ka khudbeeyey isagoo ugu hanjabay odoyaasha Hawiye ee ka soo horjeeda dowlada inay dhimanayaan.
“Waan og nahay in odayaasha ay hurinayaan rabshadaha ka taagan caasimada, marka dambena iyaga ayaa ku guban doona dabka, waxayna raacayaan dhabaha ay qaadeen hogaamiyayaashii maxaakimta ee laga adkaaday oo hada ku sugan Eritrea….cidii dab shida iyadaa ku gubanaysa,†ayuu yiri Maxamed Dhere.
Duqa magaalada Maxamed Dheere waxa uu sheegay in dowladiisa ay qaadi doonto talaabooyin ad-adag oo ka dhan ah odayaasha mucaaradka haddii aanay joojin taageerada ay siinayaan falalka argagixisada.
Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa soo bandhigaysay hub ay soo qabatay ilaa markii dalka laga saaray maxaakimtii islaamiga dabayaaqadii bishio December 2006.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|