|
|
Odayaasha mucaaradka ee Hawiye oo ka jawaabay hanjabaadii duqa magaalada Muqdishu Mon. August 20, 2007 02:23 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet)Garabka mucaaradka ee beelaha Hawiye ayaa wax saxaafadeed ay galabta soo saareen waxa ay si caro leh uga jawaabeen hanjabadii ka soo yeertay duqa magaalada Muqdishu Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere iyo eedeyntii uu u jeediyey odayaasha Hawiye ee ahaa inay ka dambeeyaan dibaatooyinka ka oogan magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeedkaasi oo uu u aqriyay saxaafadda guddoomiyaha odayaasha beelaha hawiye Max'ed Xasan Xaad ayaa waxa uu ku socday Beesha Caalamka, Kooxda xiriirka Somalia, Amisom iyo Umadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Golaha dhaqanka waa gole dhaqan ma ahan gole siyaasadeed, golaha dhaqanka waa gole ka shaqeeya arimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta, golaha waxa uu ka shaqeeyaa arimaha dhaqanka iyo daris wanaagga iyo xalinta khilaafaadka umadda Somaliyeed.
Dhibaatada Maxamed Dheere uu ku hayo reer Muqdisho.
Maxamed Dheere waxa uu Warbaahinta ka sheegay in uu leynayo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye haddii aysan isaga cararin wadanka, waxaana u sheegeynaa Maxamed Dheere in xubnaha golaha dhaqanka aanu ka tagi doonin magaalada Muqdisho inta hal qof uu ka nool yahay.
Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye Bam ma tuuraan, hadalkaasina waa meel ka dhac iyo marmarsiiyo, isla markaana Max'ed Dheere waxa uu Mas'uul ka noqon doonaa 116 da xubnood ee ka mid ah golaha haddii hal qof uu wax ka noqdo
Golaha dhaqanka waxa uu beesha caalamka la socodsiinayaa in Maxamed Dheere uu warbaahinta kaga dhaartay in uu leynayo xubnaha golaha dhaqanka haddii aysan Asmara Aadin, hadaba waxaan leenahay golaha dhaqanka Hawiye Asmara waxba kama jiraan Muqdisho ayay joogi doonaan inta hal qof uu ka nool yahay shaqadooda ayay sii wadan doonaan.
Maxamed Dheere waxa uu hortaagan yahay isla markaana uu caqabad ku yahay isfahamka dowladda iyo shacabka reer Muqdisho.
Maxamed Dheere waxa uu Mas'uul ka yahay xasuuqa, xarigga, barakicinta iyo qafaalashada shacabka reer Muqdisho.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|