Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Dad badan oo ku dhaawacmay qaraxyo maanta ruxay Muqdishu
Tue. August 21, 2007 12:05 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Dhowr qarax bambaano ayaa maanta ruxay caasimada Soomaaliya ee Muqdishu kuwaasoo ay ku dhaawacmeen hal askari iyo ilaa toban rayid ah, sida ay sheegeen dadka goob joogayaal ah.

Dadka ayaa u sheegay Somalinet in kooxaha wax iska caabinta ay laba garneyl ku tureen kolonyo ay saarnaayeen askarta dowlada oo maraysay isgoysyada Baar-Ubax iyo Black Sea ee koonfurta Muqdishu.

Ka dib shilkaasi ayaa askarta waxa ay jiho kasta u fureen rasaas si ay u helaan kuwa weerarka dambeeyey, laakiin cidina looma xirin weerarada dhacay.

Ilaa shan rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerar kuwan la mid ah markii mintidiin aan la aqoonsan ay bam ku tuureen saldhig ay joogeen booliska dowlada oo ku yaalla deegaanka Xamar Jadiid.

Dhinaca kale, turo aan la cayimin oo dad ah ayaa xabsiga loo taxaabay xalay wax yar ka dib markii bambaanooyin lagu weeraray fariisin ay joogeen askarta dowlada oo ku yaalla degmada Boondhere ee waqooyiga Muqdishu.

Cabdi waaxid Maxamed Xuseen, afhayeenka booliska, ayaa sheegay in niman aan la aqoon ay weerareen degmada xalay. “waxa ay ahaayeen laba qarax bambaano, laakiin ma jirin wax khasaare ah,” ayuu yiri Maxamed.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


105

ACTIVE CHAT GROUPS
SOOMAALI(6) E-PALS(71) NORTH AMERICA(28)
:::105 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,747,950 posts, 121,223 topics and 77,101 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.