Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Safiirada Soomaaliya ee wadamada Uganda iyo Tanzania oo la magacaabay
Wed. August 22, 2007 09:41 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet)Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta si rasmiya u magacaabay safiirada Soomaalida ee wadamada Uganada iyo Tanzania xaflad maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdishu.

Sayid Axmed Sheekh Daahir waxaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee Tanzania halka General Cali Maxamed Xasan Looyaan ‘Cali Madoobe’ oo horey u ahaa taliyaha booliska ayaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee Tanzania.

Madaxweynaha oo hadal gaaban ka jeediyey munaasibada ayaa u sheegay raga la magacaabay inay adkeeyaan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Tanzania iyo Uganda, sida uu sheegay afhayeenka dowlada cabdi Xaaji Goob doon.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed iyo xubno kale oo muhiim ah oo ku jira golahiisa wasiirada ayaa ka qeyb galay xaflada.

Uganda ayaa ah dalka keliya ee ciidamada gaaraya ilaa 1,500 askari u diray Soomaaliya, inkastoo Q.M ay ansixisay in ilaa sideed kun oo ah ciidamo ka socda Midowga Afrika la geeyo Soomaaliya.

Ciidamada laga sugayo wadamada kale ee Afrikaanka – sida Burundi, Nigeria iyo Ghana – ayaa dib ugu dhacay sababo la xiriira dhaqaalo iyo qalab la’aan.


News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


56

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(55)
:::56 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,719 posts, 125,197 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.