|
|
Dowlada oo sheegtay inay dishay todobo ka mida kooxaha ka soo horjeeda Fri. August 24, 2007 09:19 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet)Dowlada KMG ee Soomaliya ayaa maanta sheegatay in ciidamada ay dileen todobo ka mida kooxaha wax iska caabinta ayna la wareegeen hub fara badan dagaalo xalay ka dhacay magaalada Muqdishu.
Afhayeenka ciidamada booliska Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen, ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ciidamada dowlada oo kaashanaya ciidamada Ethiopia ay dagaal la galeen kooxo mintidiin Islaami ah oo soo weeraray xeryaha dowlada eek u yaall jidka warshadaha, iyagoo halkaasi buu yiri ay ciidamada ku dileen todobo ka mida koxahii weerarka soo qaaday ayna kala wareegeen hubkooda oo ay ku jiraan bambaanooyink gacanta, baasuukayaal iyo tiro badan oo qoryo gacmeedyo ah.
“sida aan xogta ku helayo saakey, ciidamada dowlada ayaa horumar ka sameeyey dagaaladii xalay dhacay iyagoo casharo adag u dhigay kooxaha dagaalada ka wada caasimada….meydadkooda weli dhulka ayey yaallaan,” ayuu yiri Maxamed Xuseen.
Dhinacooda ayuu afhayeenka sheegay in hal askari looga dilay saddex kalena looga dhaawacay iska horimaadyadii xalay dhacay.
Ma jiro wax madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha soo gaaray labada dhinac.
Qaraxyo culus iyo rasaas xoogan ayaa laga maqli karay nawaaxiga isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS ee waqooyiga Muqdishu iyadoo dahcdo midaa la mida ay ka dhacday meel ku dhow dhismaha wasaaradi hore ee gaashaandhiga oo ku taalla dhinaca koonfur galbeed ee caasimada.
Qaraxyada ayaa yimid markii kooxo dagaalyahano ah ay weerar ku qaadeen fariisimada militari ee dowlada halaasoo labaad dhinac ay is dhaafsadeen hubka maadafiicda iyo rasaasta cul culus.
Iska horimaadyadii ka dhacay SOS, waxaa ku dhaawacmay laba dhalinyaro ah, iyadoo lix baabuur ay ku burbureen dhowr hoobiye oo ku soo dhacay meel garaash ah.
Dadka caadiga ayaa mar hore cidleeyey aagaga dagaaladu ay ka dhaceen cabsi ay ka qabaan in ay ku waxyeeloobaan colaada.
Xaalada aagaga ay iska horimaadyadu ka dhaceen xalay ayaa hadda degan laakiin ciidamada iskaashaday ee Soomaalida iyo Ethiopian-ka ayaa wada howlgalo baaritaan oo ay ku ugaarsanayaan kooxaha mintidinta.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|