|
|
Hoteel ay degan yihiin ergada shirka Muqdishu oo caawa la weeraray Fri. August 24, 2007 01:38 pm.- By Mahad Hassan. -
War Deg Deg ah
(SomaliNet) Rag hubeysan oo aan la garaneyn balse loo maleenayo inay taageero u yihiin maxaakimtii Islaamiga ee la adkaaday ayaa caawa fiidkii waxa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen hoteelka Lafa-weyn ee ku yaalla waqooyiga caasimada Muqdishu, hoteelkaasoo hoy u ah qaar ka mida ergada shirka dib u heshiisiinta.
Ilaa afar qarax bambaano oo ay daba-socotay rasaas la is dhaafsaday ayaa laga maqlayey nawaaxiga hoteelka abaarahii 7:20 fiidnimo, sida ay sheegayaan dadka goob joogayaal ah.
Lafa-weyn waxa uu ka mida yahay hoteelada si weyn loo ilaaliyo ee ay degan yihiin ergada ka qeyb galaysa shirka dib u heshiisiinta ee la socda Muqdishu kaasoo ah hadda galay wejigii labaad ee siyaasada.
Ma jirto khasaare deg deg oo ka dhashay weerarkaasi iyadoo leerarkii hoteelka la wada damiyey sababo la xiriira shaqaaqada dhacday.
Dagaalka waxa uu istaagay, xaaladana waxa ay ku soo laabatay deganaan laakiin way ku adagtahay saxaafada in ay soo ogaato khasaaraha jira maadaama magaalada ay weli ku jirto bandow.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|