Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Ururka suxufiyiinta caalamka oo cambaareyey dil koonfurta Soomaaliya loogu geystay suxufi idaacadeed
Sat. August 25, 2007 12:47 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ururka suxufiyiinta caalamiga ee IFJ ayaa shalay cambaareeyey dilkii loo geystay suxifi Soomaaliyeed oo u shaqeenayey idaacad gudaha ka howlgasha oo lagu dilay gobolka Gedo, iyadoo IFJ ay sidoo kale ku baaqday talaabo caalami ah oo laga qaado mashaqada ka aloosan Soomaaliya halkaasoo weriyaasha ay noqdeen bartilaameedka ugu horeeya ee rabshadaha sii baahaya.

Cabduqaadir Mahad Macalin Kaskey oo idaacada Banaadir uga soo warami jiray gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa geeriyooday ka dib markii kooxo hubeysan oo aan la aqoon ay tacshiirad ku fureen gaari mini bas ah oo uu saarnaa, kaasoo marayey tuulada Ceel-Cilaan. Qof kale oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.

Dilka weriyaha Banaadir ayaa noqonaya kii saddexaad oo todobaadyo gudahooda ka dhaca Soomaaliya, iyadoo sanadkan oo keliya Soomaaliya lagu dilay ilaa lix weriye.

Xoghayaha guud ee ururka IFJ Aidan White ayaa sheegay in dilkan ugu dambeeya uu xaqiijinayo cabsida ay qabaan oo ah in saxaafada ay la soo dersayso khatar aad u badan gudaha Soomaaliya.

Waxa uu yiri “qalalaasaha siyaasadeed iyo heerka rabshadaha isa soo taraya ay ka dhigayaan warbaahinta madaxbanaan mid aan suurtagalaynin isla markaana ay hay;adaha caalamiga ay baahan yihiin inay si aad uga fakeraan talaabo hadda loo qaado sidii loo dejin lahaa xaalada,”

Sidoo kale, xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka Somaaliya ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa cambaareyey dilka loo geystay weriyahii Idaacada Banaadir uga soo warami jiray gobolka Gedo, isagoo sheegay in weerarada halista ee lala beegsanayo suxufiyiinta iyo xadgudubyada lagu hayo warbaahinat xorta ay sii badanayaan maalinba maalinta ka dambeysa.

Cumar Farauuq waxa uu yiri “waxaa la joogaa waqtigii beesha caalamka ay baari laheyd kiisaska dilka ee ka dhanka a shaqaalaha warbaahinta xorta iyo in la sameeyo nidaam lagu ilaaliyo suxufiyiinta

IFJ waxa ay taageraysaa baaqa loo jeedinayo Q.M iyo ururada kale ee caalamiga inay wa ka qabtaan dhibaatada lagu hayo shaqaalaha warbaahinta madaxabanaan.

Ururka suxufiyiinta caalamiga ayaa sidoo kale qorsheenaya olole diirada lagu saarayo weerarada lagu hayo warbaahinta xorta ee Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee IFJ Mr. White ayaa sheegay in in ay u baahan yihiin inay wax badan qabtaan si loo hagaajiyo heerarka badbaadada suxufiyiinta, waxa kale oo uu yiri “waxaan u baahan nahay talaabo ah in cadaalad lagu hor keeno kuwa ka mas’uulka ah rabshadaha dhacaya, waa in buu yiri dilalka lagu hayo suxufiiinta la soo afjaraa.


News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(3) NORTH AMERICA(54)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,748,541 posts, 121,269 topics and 77,105 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.