|
|
Dowlada Soomaaliya oo mamnuucday duulimaadyadii Somaliland Sun. August 26, 2007 11:02 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Hay'adda Duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliyeed ayaa maanta mamnuucyday duulimaadyadii aadi jirey iyo kuwa ka imaan jirey gobolada maamulka la magac baxay Somaliland.
Sida ku xusan wareegto ay soo saartay hay'addan oo uu ku saxiixan yahay maareeyaha Guud ee Hay'addaasi oo la yiraahdo Max'uud Sheekh Cali ayaa waxaa lagu mamnuucay dhamaan duulimaadyadii isaga kala gooshi jirey magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Muqdisho, Ber Bera iyo Hargeysa Muqdisho.
Mamnuucista ayaa soo baxday ka dib markii ay dhowaan Somaliland ka digtay qaadashada baasaboorka cusub ee Soomaaliya, iyadoo maamulka Somaliland uu sheegay cidii lagu helo baasbasoorka cusub ee Soomaaliya lagu xukumi doono sideed sano oo xarig ah.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|