|
|
Maxkamadaha oo balan ku qaaday inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ethiopia Sun. August 26, 2007 12:25 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Hogaamiyaha golaha fulinta ee maxaakimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wacad ku maray in la sii xoojinayo wax iskacaabinta ka socota magaalada Muqdishu ilaa inta buu yiri dhamaan ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan dalka Somalia.
Sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP, Sheekh Sharif oo hadda ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa sheegay in Somalia ay tahay in ay dalkooda ka daafacaan ciidamada Ethiopia ee gaar ahaan jooga Muqdishu, kuwaasoo xoog siinaya buu yiri waxa uu ugu yeeray ‘dowlada daciifka’
Waxa uu yiri “waxaan xaq u leenahay inaan daafacno wadankeena….waana ku qasbanahay inaan weerarno Ethiopia….waana laga bixin doonaa Somalia, dib ayaanu u heli xoriyadeena si qasab ah,â€
Ciidamada dowlada KMG oo ay taageerayaan xoogaga Ethiopia ayaa horaantii sanadkan Somalia ka saaray ciidamadii maxaakimta Islaamiga oo mudo lix bilood ah soo maalmulayey badi koonfurta iyo bartamaha Somalia.
Laakiin guushii maxkamadahu ay keeneen ee aheyd in dalka Somalia ay ku soo celiyeen nidaam iyo kala dambeyn waxaa kala dhantaalay eedeymo loo soo jeediyey oo aheyd in ay gabaad siiyeen waxa ay loogu yeeray ‘xag-jiriin Al-Qaacida’
Ilaa markii ay dib isugu dayeen inay la wareegeen awooda Muqdishu bishii April ee sanadkan ayaa kooxaha wax iska caabinta waxa ay bilaabeen weeraro falaageyn ah, iyagoo fulinaya weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, miinooyin wadada lagu aaso iyo weerara bambaano oo lala beegsanayo danaha dowlada KMG.
Maxkamadaha Islaamiga iyo odoyaasha ka soo jeeda beelaha Hawiye ee awooda ku leh Muqdishu ayaa diiday inay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta ee caalamka uu taageersan yahay ee Muqishu ka furmay 15-kii bishii hore ee July, arrintaasoo astaan u aheyd dib u dhacyo ku yimid dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu doonayey in lagu xaliyo mashaqada wadanka ay dagaalada ku burburiyeen ee Somalia.
Maxkamada Islaamiga iyo mucaaradka kale ee ka soo horjeeda dowlada KMG ee Somalia ee uu hogaamiye madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa hadda waxa ay qorsheenayaan wadahadalo nabadeed oo is barbar socda oo qaadaya toban maalmod, kuwaasoo laga furayo magaalada Asmara 1-da bisha September.
Inkastoo Sheekh Shariif uu ku booriyey Q.M iyo wadamada reer galbeedka inay taageeraan hindisaha maxaakimta Islaamiga, haddana waxa uu soo cusbooneysiiyey eedeyn ka dhan ah Mareykanka oo ku taageeray Ethiopia talaabooyinkeeda dalka Somalia uga saartay maxkamadahii Islaamiga.
Sheekh Sharif isagoo u waramayey AFP waxa uu yiri “Mareykanka waa dowlada balaaran, laakiin waxay taageerayaan Ethiopia, waxay taageerayaan keligii taliyaha ra’iiwasaraha Ethiopia Meles Zenawi ee dilaya dadkeena,â€
Waxa uu inta ku daray Sheekha in taa badelkeeda ay ugu baaqayaan wadamada Yurub, Mareykanka iyo Q.M inay taageeraan maxkamadaha.
Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo loo tixgeliyo inuu yahay qunyar socod ku dhex jira maxkamadaha, ayaa sirdoonka reer galbeedka waxa ay sheegeen inuu ku milmay waxa loogu yeeray xag jiriin Al-Qacida, inkasto maxaakimta ay taasi si weyn u beeniyeen.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in aysan jirin wax Al-Qaacida ah ku sugan gudaha Somalia isla markaana ayan iyagu aheyd argagixiso, laakiin ay yihiin Soomaali u dagaalamaysa sharftooda.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|