Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Ergada shirka dib u heshiisiinta oo caawa mar kale la weeraray
Sun. August 26, 2007 01:43 pm.- By Mahad Hassan. -

War deg deg ah
(SomaliNet) Kooxo hubeysan oo loo maleenayo inay yihiin muqaawamo ayaa caawa weerar bambaano ku qaaday hoteelka Madiina oo ay degan yihiin qaar ka mida ergada shirka dib u heshiisiinta oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee bariga caasimada Muqdishu.

Dad joogayaal ah ayaa u sheegay Somalinet in rag aan la aqoon ay bam gacmeed ku tureen hoteelka abaarahii 6:50 fiidnimo iyadoo ciidamada amaanka ay fureen rasaas ka dib qaraxa.

Bambka la tuuray ayaa la sheegayaa in lala waayey hoteelka oo uu ku dhacay guri ku dhegan hoteelka laakiin weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in odayaal nabadoono ah oo ka soo jeeda Puntland ay deganaayeen hoteelka.

Kuwii weerarka soo qaaday ayaa baxsaday iyadoo aanay waxyeelo soo gaarin, waxaana askarta ay isku gadaameen aaga ay wax ka dahceen balse cida looma qaban dhacdadan.





News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


86

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(50) NORTH AMERICA(28) EUROPE(8)
:::86 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,706,240 posts, 116,312 topics and 76,753 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.