Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION
http://sheekomagazine.com/

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Dagaalo hor leh oo caawa ka dhacay Muqdishu, iyadoo ciidamadana ay heegan ku jiraan
Wed. August 29, 2007 02:59 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Iska horimaadyo hor leh ayaa caawa ka qarxay qeybaha koonfureed ee magaalada Muqdishu, kuwaasoo dhexmaraya ciidamada amaanka dowlada KMG iyo taageerayaasha maxkamadahii la adkaaday – taasoo daba socotay weeraro bambaano oo xiriir ah iyo tacshiirado maanta ka dhacay caasimada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan toban ruux oo ay ku jiraan boolis.

Dagaalkan ayaa caawa 7:50 daqiiqo ka bilowday hareeraha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdishu iyadoo qaraxyada iyo rasaasta la isdhaafsanayo laga maqlayey aaga.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Somalinet in dagaalkan ugu dambeeyey uu yimid markii ciidamo boolis ah oo aad u hubeysan la soo dhigay wadooyinka Wadnaha iyo Sodonka si ay xoojiyaan amaanka xili maalinta beri ah lagu wado inuu soo afjarmo shirka dib u heshiisiinta.

Askarta dowlada oo la geliyey heegan buuxa ayaa caawa waxa ay iska horyimaadeen kooxaha wax iska caabinta, lamana oga weli khasaaraha ka dhashay iska horimaadyadan ugu dambeeyey.

Dhinaca kale, laba boolis ah ayaa maanta dhaawacmay markii gaarigii ay saarnaayeen uu bam la qarxay gudaha magaalada. Dhowr qarax oo kale ayaa maanta ruxay caasimada kuwaasoo sababay dhaawaca ilaa sideed rayid ah.

Galabtana, ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ayaa soo afjaray howlgalo militari oo ay hub uga baarayaan degmooyinka Huriwaa iyo Yaqshiid, iyadoo xaaladana ay caadi ku soo laabatay.


News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


125

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(83) NORTH AMERICA(34) EUROPE(7)
:::125 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,751,834 posts, 121,508 topics and 77,135 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.