Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

UNESCO oo cambaareysay dilka suxufi kale oo Soomaaliyeed
Fri. August 31, 2007 12:58 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Madaxa hay’ada Q.M u qaabilsan xaga tacliinta, seyniska iyo dhaqanka ee UNESCO ayaa shalay isagoo cambaareenaya dilkii loo geystay suxifi Soomaaliyeed oo u shaqeenayey idaacada Banaadir waxa uu ku baaqay talaabooyin deg deg ah oo lagu joojinayo weerarada lagu hayo shaqaalaha warbaahuinta madaxabanaan ee dalka.

Aggaasimaha guud ee UNESCO KoĂ¯chiro Matsuura ayaa sheegay in Cabduqaadir Maclim Kaskey iyo weriyayaal kale oo ku sugan Soomaaliya ay bartilmaameed u noqdeen dadka ka soo horjeeda dimoqraadiyada iyo xoriyada hadalka.

Isagoo ku baaqayey talaabo deg deg ah oo lagu soo afjarayo weerarada lagu hayo suxufiyiinta ayaa Mr. Matsuura waxa uu sheegay in aan loo ogolaan in hubka uu badelo kaalintii warbaahinta.

C/qaadir Kaskey oo ahaa weriyaha raadiyaha Banaadir uga soo warami jiray gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa dhintay ka dib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaari bas ah oo uu saarnaa, kaasoo ku si socday tuulada Ceel Cilaan.

Dilkiisa ayaa ahaa kii ugu dambeyey weeraro xiriir ah oo ka dhan ahaa warbaahinta, waxa uuna noqonayaa suxifigii 7aad ee lagu dilo Soomaaliya sanadkan oo keliya.

Horaantii bishan, Mahad Axmed Cilmi oo ahaa agaasimahii idaacada Codka Caasimada ayaa waxaa dilay afar nin oo hubeysan, iyadoo isla maalintaasna la dilay Cali Imaan Sharmaake oo ka mida ahaa aasaasayaashii Horn Afrik, waxaana dilkiisu uu dhacay markii bam uu ku qarxay gaarigii uu saarnaa xili uu ka soo laabtay aaska saaxiibkiisa Mahad Cilmi, iyadoo sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Sahal Cabdule oo u shaqeeya Reuters.

Isha Warka: UN News Service (New York)


News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


62

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(61)
:::62 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,709 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.