Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Rabshado geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay suuqa Bakaaraha
Wed. September 05, 2007 10:00 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet)
Ugu yaraan sideed qof ayaa ku geeriyootay 35 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal saakey ka dhacay qeybo ka mida suuqa Bakaaraha oo ku yaalla koonfurta Muqdishu, halkaasoo dagaalka uu ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kooxo ka soo horjeeda.

Dagaalkan dambe ayaa yimid markii ciidamada booliska dowlada ay sakey aroortii weerar ku qaadeen guri ku yaalla gudaha suuqa ka dib markii ay heleen xog ku saabsan in halkaasi uu ku sugan yahay ninkii hogaaminayey kooxaha Muqdishu dagaalka ka wada.

Ciidamada booliska ayaa la kulmay iska caabin xoogan iyadoo dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay u badan yihiin rayid inakstoo uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinaca ee is hayey.

Afhayeenka booliska gaashaanle C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay dileen sideed ka mida kuwii ka soo horjeeday, hase ahaatee ma jirto ilo kale oo madax banana oo xaqiijinaya sheegashadaasi.

Isbitaalka Madiina ayaa maanta oo keliya waxaa la soo gaarsiiyey 35 dhaawacyo cusub ah, kuwaasoo laba mida ay geeriyoodeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka isbitaalkaasi.

Goobaha ganacsi ee suuqa Bakaaraha ayaan saakay la furin, iyadoo ganacsato yar yar oo si teel teel ah u horjoogta goobahooda ganacsi lagu arkayay gudaha suuqa Bakaaraha.

Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Cali Dheere oo u waramay Shabelle ayaa waxa uu ugu baaqay ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeedaba in ay fowdada ka daayaan suuqa Bakaaraha oo uu sheegay in ay taalo hanti ay leeyihiin ganacsato Somaliyeed.

Ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan ayaa soo buuxiyay qeybo ka mid ah wadooyinka suuqa Bakaaraha gaar ahaan goobihii iska horimaadka uu ka dhacay ee qeybta dawada, iyadoo dhamaan wadooyinka kale ee soo gala suuqa Bakaaraha lagu arkayo ciidamo Militari iyo boolis isugu jira oo rasaas ku ridaya dadka.

Suuqa Bakaaraha ayaa horey rabshado uga dhacay bilihii July iyo June waxaa la aaminsan yahay in ay ku geeriyoodeen dad gaaraya boqol ruux.


News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


59

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(2) NORTH AMERICA(57)
:::59 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,708 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.