Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Rabshadaha Muqdishu oo sii socda
Mon. September 10, 2007 11:41 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Kooxaha wax iska caabinta ee taageera maxaakimta Islaamiga ayaa maanta bambaanooyin ku weeraray ciidamada dowlada KMG ee fariisinkodu yahay nawaaxiga isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS oo ka tirsan degmada Huriwaa ee waqooyiga Muqdishu.

Wax yar ka dib weerarkaasi ayaa ciidamada dowlada waxa ay fureen rasaas jiho kasta laakiin ma jiraan wax khasaare ah oo ay geysteen.
Ciidamada booliska ayaa xoojiyey joogitaankooda fariisimada ay kaga sugan yihiin degmada Huriwaa oo ay ku firfircoon yihiin.

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa waxaa ay ku dileen maanta suuqii hore ee Hubka Cirtoogte nin dhalin yaro ah oo halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale ka qaatey bastoolad uu watey, sida ay sheegeen dadka deegaanka ah.

Sida uu idaacadda Shabelle u sheegey mid ka mid ah dadka deeganka oo codsadey in aan magaciisa la shaacin, waxa goobta soo gaarey ku dhawaad 10 ruux oo dhalin yaro ah kuwaas oo weydiiyey ninka la diley in uu dhiibo bastoolad la tilmaamey in uu watey, markii uu dhiibey ka dibna ay dileen.




News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


130

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(53) NORTH AMERICA(73) EUROPE(4)
:::130 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,642,450 posts, 110,228 topics and 76,060 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.