Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdishu
Wed. September 12, 2007 10:44 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Labo qof oo rayid ah ayaa ku geeiyootey askari ka tirsan ciidamada dowladda dhaawac ayaa ka soo gaarey qaraxyo iyo tacshiirado ka dhacey maanta inta u dhaxeysa deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

In ka badan 3 qarax oo loo adeegsadey bam gacmeedyo ayaa lala beegsadey ciidamo ka tirsan dowladda oo howl gallo ka wadey waddada isku xirta SOS iyo Suuqa Xoolaha.

Labada ruux ee geeriyootey ayaa waxa ay saarnaayeen gaari Bus ah oo marayey xaafadaha suuqa xoolaha, kuwaas oo haleeshey rasaas ay ciidamada fureen weerarada bambaano ka dib, sida uu Shabelle u sheegey C/salaam Axmed Nuur oo ka mid ah dadka deegaanka.

C/salaam waxaa uu intaasi ku darey in askariga dhaawacmey uu dhaawac ka soo gaarey mid ka mid ah qaraxyada dahacey.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka oo marayey xaafada qaar ayaa joogsadey,iyadoo ciidamada dowladda ay isku fidiyeen xaafadaha degmada Heliwaa.

Ilaa hadda wax war ah kama aanay soo bixin dhinaca saraakiisha amniga ee dowlada KMG oo ku saabsan weerarka dhacay.

Inta badan degmada Heliwaa ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamada dowladda ay kala kulmaan weeraro joogto ah.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


99

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(8) NORTH AMERICA(90) EUROPE(1)
:::99 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,618,269 posts, 108,614 topics and 75,752 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.