Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

waar dowladi ma jirtee bridgeka dhistaa

Arimaha Internetka iyo kombuyuutada

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

waar dowladi ma jirtee bridgeka dhistaa

Postby MALMAHA » Thu Aug 06, 2009 1:30 am

Guddida Dhismaha Biriishka Hargeysa Oo Sheegtay Inaanay Wax Lacag Ah U Haynin Dhamaystirkiisa

Hargeysa, August 05,2009 (Haatuf)- Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Biriishka labaad ee caasimada Aadan Axmed Diiriye ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday wadarta guud ee lacagta ay ururiyeen ee gacantooda soo gashay, taas oo ay ku sheegeen inay dhantahay lacagtaasi $944,377,069 centi (sagaal boqol iyo afar iyo afartan kun, saddex boqol iyo toddoba iyo toddobaatan iyo sagaal iyo lixdan centi), iyada oo dhinaca kalana dawladda iyo shacabka Somaliland ugu baaqay inaanay lacagta ay hayaan aanay ku filnayn dhamaystirka dhismaha biriishka una jeediyeen inay ka qayb qaataan qaadhaanka lacageed ee wejiga labaad

Guddoomiyaha guddida dhismaha biriishka Aadan Axmed Diiriye waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay goobta dhismaha Biriishku ka socdo ee xaafada shacabka iyada oo halkaasna ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta kale ee guddidaasi, taas oo ay sharaxaadna ka bixiyeen geedi socodka dhismaha biriishka iyo marxalada uu marayo oo ay ku tilmaameen mid gebogabo ah. balse u baahan in la helo kharashkii lagu dhamaystiri lahaa.

Guddoomiyaha guddida Biriishka caasimadu Aadan Axmed Diiriye isagoo ka hadlay arrimahana waxa uu yidhi “ hawsha biriishkan oo aanu wadnay muddo saddex sanno ah, waxa uu xilligan marayaa dhismihiisu meel fiican waxaana mudada inteeda badan qaatay, kaabadaha biriishku ku istaagayo oo mid kasta hoos loo qodo 13 mitir, korna loo qoday 15 mitir, hadana waxa socda shubkii sare ee gaadiidku mari lahaa. qaybta kale iyagana waxa diyaar ah 50 god oo kale oo ay u hadhsan yihiin oo qudha in kaabadihii la shubo haddaanu idiin sheegno kharashka lacageed ee qaadhaanka ah ee nasoo gaadhay ee aanu ururinay muddadaas waxa uu dhan yahay $944,377 iyo 69 senti, waxa kaliya ee kharash nagaga baxay laba safar oo guddidu ugu baxday Jabuuti iyo Itoobiya iyo sidoo kale kirada xafiiska guddida iyo shaqaalaha oo kaliya ayaa wax kharasha baxay, dhawaana waxaanu idiin soo bandhigi doonaa shaxda xisaab celinta.

Runtiina kharashka aanu haynaa ma dabooli karo dhamayatirka hawsha socota, sababta oo ah waxa isku biiray kharashka oo markii horaba aan dhamayn iyo qiimaha sixirka alaabta dhismaha oo kor u kacay, sidaa darteed haddii la wada helo kharashka dhiman wuu dhamaanayaa dhismahaa biriishku dawladda iyo shicibka Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay u diyaar garoobaan kharashkii lagu dhamayn laha biriishka, horaanu u sheegnay in layskku tashado haddiise la quudhi waayo inta ka dhiman hawshu way fadhiisanaysaa”.

Guddida dhismaha biriishka Hargeysa ayaa hore u sheegtay inay dhismaha Biriishka labaad ee magaalada ay qandaraas ku siiyeen shirkad, kadib markii ay shirkado dhawr ahi soo doonteen qandaraaskaas inay ku guulaysatay shirkad wadani ah, taas oo ku qandaraastay Milyan iyo Laba Boqol ay ku sheegeen muddo haatan laga joogo 2 sanadood, ilaa muddadaas guddida dhismaha Biriishka iyo wasaaradda Hawlaha Guud may sheegin waxa ay shirkadii qandaraaska qaadatay ay u dhamays tiri weyday iyo inay wax lacag ahi ka maqan tahay midna.

Guddida dhismaha Biriishku iyo wasaarada hawlaha guud ayaa muddo saddex sanadood ah ku hawlanaa ururinta iyo dhismaha biriishka Hargeysa, welina qabyada Biriishkaasi Kow ma joogto, lamana garanayo lacagta ay guddidu ka doonayso dadweynuhu inay dib u soo ururiyaan inta ay leegtahay.

User avatar
ruralboy
Posts: 171
Joined: Wed Mar 09, 2011 11:05 pm
Location: Soomaaliya dhankeedana dhawaaq farax leh mooyee dhiillo kama sugaayee

Re: waar dowladi ma jirtee bridgeka dhistaa

Postby ruralboy » Sat Mar 12, 2011 1:08 am

:oops:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ask The Experts - Computers & Internet”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests