waxaan ahay aabo waxaan dareemayaa fikir intii igu filan
waxaan qabaa naag aan isleeyahay kolayba xumaan waa soo dhamaysay oo nin ay sxb ahaayeen ayay iiga sheekeesay in ay is baasheen jireen kolayna meel ay baasho imaatay wax ka xunna waa imaanaayaan dabcan
waxaan damcay inaan iska furo laakin waalidkay ayaa ii diiday
hooyadey waxay igu tiri wax walbo oo ay ahayd anaa ku rabo ee naag kale kuguma ogi ducadayda qaado aabana sidoo kale marka waxaa i haysata laba daran mid dooro
1- in aan dhibka iskaga jiro oo aan ducada waalidkeey qaato
2-in aan iska furo naagta oo aan habaar qaato iyo ilhayga oo iga dayacma,
marka walaal waxaan u baahnahay taladaada oo sax ah si islaamnimo ah waad mahadsantihiin