Igaar Abgaal ah oo aad u madow oo la yiraahdo Cabdi Madoobe aa waxaa dhibaato ku noqotay madowgaan maalin walba lagu sheegaayo. maalinkii dambe wuxuu go'aan ku gaaray in uu dibedda u dhoofo si uu lacag fiican u soo shaqeysto dabadeedna gabar carab ah oo aad u cad u guursan lahaa si calal aqal ilmihiisu uga badbaadaan madowgaan faraha badan ee ilaahey ku maneystay.
Wuxuu dabadeed u dhoofay Mareykanka lacag fiicanna waa soo shaqeystay, dabadeed illeyn waa nin jeebabka u buuxaane wuxuu helay gabar carab ah aadna u qurxoon ilaahey wuxuu ka siiyay gabdho cad-cad.
Cabdi Madoobe aad ayuu arintaa ugu farxay gabdhihiisiina waa u weynaadeen, maalintii danbe ayuu ku soo noqday magaalada Muqdisho, si gabdhihiisa dadkiisa u soo baro,
dhalinyaradii magaalada aa gabdhihiisii ka daba dhacay.
maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cabdi Madoobe waxaa gurigiisii ku soo booqday oday Xaamud la dhaho oo ay yaraantiisii saaxiibo ahaayeen oo ay isku reer yihiin (yacni abgaal ah) wuxuuna ugu yimid in gabdhihiisa quruxda badan mid ka mid ah in uu wiilkiisa u guuriyo.
waxaana dhex martay sheekadan:
Xaamud: Eeboow Cabdiyow waxaan beriga kuugu imid in aan gabadhaada suleekha ah aan igaarkeyga calasow dheere ah u guuriyo.
Cabdi Madoobe: Xaamudoow igaarka ii keen aan arkee
Calasow Dheere oo Madow dartiis ilkihiisu muuqdaan albaabka haka soo galo.
Cabdi Madoobe intuu waa xanaaqaa dhahay uu la soo booday: Oday Xaamudoow ilaahaan kugu dhaarshee ilmaheyga anna ma nadiifaa adna ma wasakheyhee?????