1-Luuq Luuq maroow laazim laamigaas imaahaa.
2-Canjeelo sidii ukala koreeso aa loo kala qaataa.
3-Meel libaax soo galay lo' majoogeeso.
4-Awkeey dooli diloow dad nool maas udaahaa.
5-Ninkii waaw dhaho uslee laga warsugaa.
6-Dameer isku haleen ee habarteed dabada uga nuugtaa.
7-Nin weyn oo waashe webigaas ku dhacaa.
8-Sabuul galeey ninkusiiyaa la siiyaa.
9-Malaay banaan ma imaadee makhaadin aa keente.
10-Cimrigaagoo weeynaado caqligaadaas caawihaa.
11-Cimrigaadoo weeynaado geel dhalaayo aas ku tusaa.
12-Cusbo caan waaye.
13-Luquntaada oo lagu murmo laqdabo waaye.
14-Baabuur qaboow Jinni qaboow.
15-Maseeroow moos batiiq waaye.
16-Lammo iyaaka dhexdooda nacbudu waaye.
17-Jibaal fashoow jinkaa ma ahin.
18-kuunto wixii loo kuuse karaamo lee ma ahinoo .
19-Naag wixii haayo xarig lee ma ahinoo.
20-Musbaax mininkaa ubaahan minin dadoow mala geeyo.
21-Belaayadaada ninkii rabo biyo baasto aas kugu shubaa.
22-Deriskaagoo daan-daansigaaga rabo dooradaada iga ceshahaas ku dhahaa.
23-Intii baal qabto waa biibtee dooro mexee ubiibi weesi?
24-Malakul mood minin faaruq maxaas ka qaadaa?
25-Ninkii la waayo mininkiisaa laga tawaa.
26-Dooli bood-boodkiisa mukulaal dhirifkeeda waaye.
27-Kadaloob kuunto wadkeeda waaye.
28-Macno la'aan minin xumaa ka danbeeso.
29-Mininkeey iiga bax iyo maalkeey isii meel loo moodo maleh.
30-Quraansho aruurte anyax waa jiidee.
intaas aan hayaa marka haduu jiro qof wax kale ku dari karo SOO DHOWOOW..nin/naag iska dhig dhexda soo xiro..surwaalka soo laa laabo...biyo isbarmuuto cab..biyo bad ka dhereg..Meaning---> Waxaa Rabto Sheeg .