Nin kamid ah dadka loo yaqaan JAREER (Timo Adag) ayaa shaqo loogu badalay Woqooyi, Maalin maalmaha ka mid ah ayuu galay Masaajid Hargaysa ku yaalay, maadaama uu ka soo dib dhacay jamaacada ayuu keligii iska xirtay. Xogaa kadib ayuu gadaashiisa ka maqlay "Usalii, Usaliii.....Faradal.... ..................."
Wuxuu dareemay in lagu soo daba xirtay faataxadii ayuu dabadeed kor u qaaday markuu dhammeeyay halkii uu ka filayay AAMIIN ayaa mid khaldaamiinta kamid ah ku yiri kuwii kale " Car waa ninkii Ju' yiraahda mahadday JADHIIDH-NA noo keeneen oo yiraahdeen iimaan noqo".
Ninkii odayga ahaa makuu intaa maqlay ayuu khalkhalay, naxdin darteed markii uu faataxadii dhameeyay halkii laga rabay in uu suurad ku xijiyo, ayuu Ataxiyaatkii dabada u qabtay. Qoladii mid ka mid ah ayaa haddana yiri " Gaw, Waar waaxay dee ? wixii Walla-weyn kaa keenay wase, markaad fariisato maxaad akhrin?".
War maa yaala hee miskiinkii maalin dambe masaajid ma gelin illaa uu muqdisho ku soo noqdo.