Postby Maandhow » Sun May 17, 2015 4:22 pm
Ibnu qayim Jawzi. Wuxuu yiri qofka liibaantiisa waxay ku jirtaa: shukri, sabar iyo istigfaar.
Shukriga, waxaa kamid ah nimcada Alle ku siiyey aadan xaqirin oo aadan dhihin xooggayga iyo cilmigayga aan ku keensaday.
Imtixaanka halaag ma aha ee sabarkaaga ayaa la fiirinaaya, sidaas darteed carabkaaga iyo jirkaagaba inaad xabistaa la doonayaa.(alsayibil waabil).