Sheekha Kitaabka qoray waa Sh. Maxamuud Sh. Xanbali Xaaji C/Suldaan, waa Xasani .Wuxuu ka soo jeedaa qoys caan ku ah aqoonta diinta iyo faafinteeda. Awowgii Xaaji Maxamuud ayaa Illaahay ka baryay inuu ku irzaaqo ubad aqoon xeel dheer u leh culuumta luqada carabiga.
Mu’alifku wuxuu ku dhashay magaalada Qabri-daharre sanadkii 1964. Qur,aanka waxaa isagoo yar baray adeerkii Sh. Shaafici Xaaji C/Suldaan.Wuxuu ku barbaaray gobalka Hiiraan. Wuxuu wax ku soo barta xalaqaadkii cilmiga, gaar ahaana kuwa luqadda iyo adabka carabiga.Kadibna wuxuu u safray caasimadda ( Xamar) Wuxuuna shahaadada dugsiga sare ka qaatay dugsiga Sh. Suufi ee raacsanaa bicthadii Azhar. sanadkii 1984.
Sanadkii 2000 ayuu bilaabay kuliyadda adabka ee jaamacadda culuumta iyo tiknoolajiyada ee ku taala wadanka Yaman, qaybta daraasaadka islaamka. Wuxuuna jaamacadaas ka qalinjabiyay sanadkii 2005.Mu.alifku wuxuu muddo dheer luqada carabiga iyo tarbiyadda islaamka ka dhigi jiray dugsiyo badan oo ku yaala gayiga Soomaaliya.Sidoo kale wuxuu ka qayb-qaatay diyaarinta manhajka luqadda carabiga ee loogu talo galay dugsiyo badan oo ku yaala soomaaliya.
Mulifku wuxuu lahaan jiray xalqad uu uu isagu leeyahay oo lagu barto luqadda carabiga iyo faraa’idka.Kitaabkan waxaa lagu daraaseeyn karaa dugsiyada,macaa-hidda iyo xalaqaadka intaba. Wuxuuna kamid yahay dadaalka badan ee uu Mu,alifku saaxada cilmiga ugu deeqay.
Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu ka aqbalo mu,alifka camalkiisan wanaagsan.
Kitaabka magiciisu waa: Al-iidaax fii cilmi al-tasriif. Wuxuuna ku saabsan yahay faniga sarfiga, waana kitaab faaiido badan
Xaaji.com