Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Aadaabta guurka ee Islaamka

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Aadaabta guurka ee Islaamka

Postby ina Warfaa » Thu Dec 31, 2009 4:23 am

Aadaabta guurka ee Islaamka

آداب الزفاف في السنة المطهرة


Qore al-Callaama al-Muxaddis
Maxamed Naasirud-diin al-Albaani

-Eebbe ha u naxariistee-


Turjume CabdiRisaaq Maxamed Cilmi
“ina Warfaa”



Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo tarjamada kitaabkan oo ma dhowrsana




Weli lama daabicin kitaabkan

La soo xiriirka turjumaha ee ku saabsan kitaabkan

Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad xagga tarjamada ah, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka turjumaha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa "E-mailkiisa" oo ah: ”ina_warfaa@hotmail.com”.















Mahadnaq

Waxaan ugu horayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad iyo ducaba. Waxaana idin leeyahay dhamaantiin جزاكم الله خيرا .



Hordhaca turjumaha


Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.

Waxaa mahad iska leh Eebbe Barbaariyaha uumanka, amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisana korkiisa ha ahaato uunkiisa kii ugu wanaagsanaa Maxamed, reerkiisa iyo intii raacdeyba.

Intaas ka dib: Kani waa Aadaabta guurka ee Islaamka sidii ka sugneyd Nabiga amaanta Eebbe iyo nabadgalyadiisa korkiisa ha ahaatee.
Ulajeedadayduna waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, anigoo u turjumayo soomaalida jecel iney bartaan diintooda.

Waxaana weydiisanayaa Eebbaha weyn inuu howshan ka dhigo mid isaga dartiis loo sameeyay, nooguna daro miisaanka wanaagyadeena maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.

Turjume CabdiRisaaq Maxamed Cilmi
“ina Warfaa”

Helsinki Finland 01.01.1431 H.
oo ku aaddan 18.12.2009 M.












Hordhaca Qoraha

Waxay mahadi u sugnaatay Eebbaha ku yiri Qur’aankiisa:

﴿ومن آياته أن خلق لكم من أنفسكم أزواجاً لتسكنوا إليها وجعل بينكم مودّة ورحمة﴾ [الروم: 21].

Amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee Nebigiisa ee ku yiri Xaddiis xaggiisa ka sugnaaday:

((تزوّجوا الودود الولود، فإني مكاثر بكم الأنبياء يوم القيامة )) رواه أحمد والطبراني بسند صحيح.


Intaas ka dib, qofku markuu guursado oo uu doono inuu la aqalgalo xaaskiisa, waxaa jirta aadaab Islaami ah oo in lagu dhaqmo ay tahay, kaas oo aysan garanayn dadka badankiisa xataa kuwooda Ahlu-diinka ah, sidaas darteed waxaan jeclaystay inaan u qoro qoraalkan Muslimiinta si ay uga faaidaystaan.

Waxaan weydiisanayaa Eebbaha Kor ahaaye inuu ku anfaco, uuna ka dhigo mid Isaga dartiis loo sameeyay isagaa ahe Wanaag-badane Naxariiste gaar.

Waa in la ogaadaa inay fara badan tahay aadaabta guurka, waxaanse ku soo qaatay qoraalkan yar in ka mid ah Sunnada ka sugan Nebi Maxamed a.n.k..

Waxaana u rajaynayaa inay noqdaan dhamaan Muslimiinta kuwa barta Diinta ka dibna ku dhaqma sidii kuwii Eebbe Kor ahaaye ku xusay Qur’aankiisa kariimka ah iyagoo ku ducaysanaya:

: ﴿ربنا هب لنا من أزواجنا وذرياتنا قرّة أعين واجعلنا للمتقين إماما﴾. [الفرقان: 74].

Qore Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani
Dimishiq Suuriya 1371 H. oo ku aaddan 1952 M.








Waxaana ka mid ah: Aadaabta guurka ee Islaamka:

1. Wanaag kula dhaqmidda xaaska marka lala aqalgalayo:
Waxaa wanaagsan markuu ninku u galayo xaaskiisa inuu wanaajiyo sida isagoo siinaya cabitaan sida caano i.w.m.. sida ku soo aroortay xaddiiskan:
حديث أسماء بنت يزيد بن السكن، قالت:
((إني قيّنت( ) عائشة لرسول الله صلى الله عليه وسلم ، ثم جئته فدعوته لجلوتها( )، فجاء، فجلس إلى جنبها، فأتي بعُس( ) لبن، فشرب، ثم ناولها النبي صلى الله عليه وسلم فخضت رأسها واستحيت، قالت أسماء: فانتهرتها، وقلت لها: خذي من يد النبي صلى الله عليه وسلم ، قالت: فأخذت، فشربت شيئاً، ثم قال لها النبي صلى الله عليه وسلم: أعطي تربك( )، قالت أسماء: فقلت: يا رسول الله! بل خذه فاشرب منه ثم ناولنيه من يدك، فأخذه فشرب منه ثم ناولنيه، قالت: فجلست ، ثم وضعته على ركبتي، ثم طفقت أديره وأتبعه بشفتي
لأصيب منه شرب النبي صلى الله عليه وسلم، ثم قال لنسوة عندي: ((ناوليهن ))، فقلن: لا نشتيه! فقال صلى الله عليه وسلم: ((لا تجمعن جوعاً وكذباً ))أخرجه أحمد بإسنادين يقوي أحدهما الآخر. والحميدي في مسنده. وله شاهد في الطبراني.

2. Inuu saaro gacantiisa madaxa xaaskiisa ka dibna u duceeyo:
Waa inuu saaraa gacantiisa foodda madaxa xaaskiisa markuu la aqalgalayo ama wax yar ka hor hana yiraahdo Bismillaahi hana duceeyo si uu Eebbe u barakeeyo guurkooda, wuxuuna oranayaa markuu ducaynayo sidii Nebiga a.n.k. yiri:
((إذا تزوج أحدكم امرأة، أو اشترى خادماً، [فليأخذ بناصيتها]( )، [وليسم الله عز وجل]، [وليدع بالبركة]، وليقل:
اللهم إني أسألك من خيرها وخير ما جبلتها عليه، وأعوذ بك من شرّها وشر ما جبلتها عليه.
[وإذا اشترى بعيراً فليأخذ بذروه سنامه، وليقل مثل ذلك] )). البخاري وأبو داود وابن ماجه والحاكم والبيهقي.


3. Salaadda ay isla tukanayaan labada isqabta:
Waxaa wanaagsan labada isqabta inay isla tukadaan laba Rakcadood sida laga wariyay Salafka Umadda:
عن أبي سعيد مولى أبي أسيد قال:
((تزوجت وأنا مملوك، فدعوت نفراً من أصحاب النبي صلى الله عليه وسلم فيهم ابن مسعود وأبو ذر وحذيفة، قال: وأقيمت الصلاة، قال: فذهب أبو ذر ليتقدم، فقالوا: إليك! قال: أو كذلك؟ قالوا: نعم، قال: فتقدمت بهم وأنا عبد مملوك، وعلموني فقالوا:
((إذا دخل عليك أهلك فصل ركعتين، ثم سل الله من خير ما دخل عليك، وتعوذ به من شره، ثم شأنك وشأن أهلك )). أبو بكر بن أبي شيبة في المصنف. وعبد الرزاق.

4. Wuxuu oranayo markuu u tagayo xaaskiisa:
Waa inuu yiraahdaa ninku markuu u tagayo xaaskiisa:
((بسم الله، اللهم جنبنا الشيطان، وجنب الشيطان ما رزقتنا )).
قال صلى الله عليه وسلم :
((فإن قضى الله بينما ولداً؛ لم يضره الشيطان أبداً )) البخاري وبقية أصحاب السنن إلا النسائي.


5. Sida uu ninku ugu tagayo xaaskiisa:
Waxaa loo oggol yahay inuu uga tago xaaskiisa xagga hore jihada uu doono ha uga yimaadee, xagga dambe iyo xagga horeba sida uu Eebbe Kor ahaaye leeyahay:
﴿نساؤكم حرث لكم فأتوا حرثكم أنّى شئتم﴾
Iyo siduu Nebiga a.n.k. leeyahay:
عن جابر رضي الله عنه قال:
((كانت اليهود تقولك إذا أتى الرجل امرأته من دبرها في قبلها كان الولد أحول! فنزلت: ﴿نساؤكم حرثٌ لكم فأتوا حرثكم أنّى شئتم﴾ [فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : مقبلة ومدبرة إذا كان ذلك في الفرج] )). البخاري ومسلم والنسائي.

6. Lama oggola inuu ninka uga tago xaaskiisa xagga dambe:
Lama oggola inuu ninka uga tago xaaskiisa xagga dambe sida laga fahmayo Aayaddan:
﴿نساؤكم حرثٌ لكم فأتوا حرثكم أنّى شئتم﴾
Iyo sida Nabiga a.n.k. uu leeyahay:
((لا ينظر الله إلى رجلٍ يأتي امرأته في دبرها )). النسائي والترمذي وابن حبان وسنده حسن، وحسنه الترمذي، وصححه ابن راهويه.

7. In la weyseesto laba galmo inta u dhexeysa:
Markuu ninka uga tago xaaskiisa meeshii la oggolaa dabadeed uu doono inuu u tago mar kale wuu waysaysanayaa sida uu yiri Nebiga amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee:
((إذا أتى أحدكم أهله، ثم أراد أن يعود، فليتوضأ [بينهما وضوءاً] ( وفي رواية: وضوءه للصلاة ) [فإنه أنشط في العود] )) مسلم وابن أبي شيبة، وأحمد وأبو نعيم والزيادة له.

8. Waxaase wanaagsan in la qabeesto:
Hase ahaatee qabaysashada ayaa ka wanaagsan waysaysashada sida Xaddiiskan ku soo aroortay:
حديث أبي رافع أن النبي صلى الله عليه وسلم طاف ذات يوم على نسائه، يغتسل عند هذه وعند هذه، قال: فقلت له : يا رسول الله! ألا تجعله غسلاً واحداً؟ قال:
((هذا أزكى وأطيب وأطهر )). أبو داود ، والنسائي، والطبراني،

9. Wada qabaysiga labada isqabta:
Waa loo oggol yahay inay ku wada qabaystaan hal meel, haba arkee iyada, iyana ha aragtee isaga sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن عائشة رضي الله عنها قالت:
((كنت اغتسل أنا ورسول الله صلى الله عليه وسلم من إناء بيني وبينه واحد [تختلف أيدينا فيه]، فيبادرني حتى أقول : دع لي، دع لي، قالت: هما جنبان ))البخاري ومسلم وأبو عوانة في ((صحاحهم )).

10. In laga weyseesto Janaabada ka hor intaan la seexan:
Waxaa wanaagsan inay waysaystaan labada isqabta intaysan seexan hadday qabaan Janaabo sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن عائشة رضي الله عنها قالت:
((كان رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا أراد أن [يأكل أو] ينام وهو جنب غسل فرجه، وتوضأ وضوءه للصلاة )) البخاري ومسلم وأبو عوانة .

11. Waxaase wanaagsan in la qabeesto ka hor inta aan la seexan:
Waxaase wanaagsan inay qabaystaan labada isqabta ee qaba Janaabada ka hor inta aysan seexan sida uu dhigayo Xaddiiskan:
حديث عبد الله بن قيس قال:
((سألت عائشة قلت: كيف كان صلى الله عليه وسلم يصنع في الجنابة؟ أكان يغتسل قبل أن ينام، أم ينام قبل أن يغتسل؟ قالت: كل ذلك قد كان يفعل، ربما اغتسل فنام، وربما توضأ فنام، قلت: الحمد لله الذي جعل في الأمر سعة )) مسلم وأبو عوانة وأحمد.

12. Lama oggola in loo tago xaaska iyadoo caado qabta:
Looma oggola inuu ninka u tago xaaskiisa iyadoo caada qabta siduu Eebbe Kor ahaaye leeyahay:
﴿ويسألونك عن المحيض قل هو أذى فاعتزلوا
النساء في المحيض ولا تقربوهن حتى يطهرن فإذا تطهرن فأتوهن من حيث أمركم الله إن الله يحب التوابين ويحبّ المتطهرين﴾.

Iyo Xaddiiska Nebiga a.n.k. uu leeyahay:
من قوله صلى الله عليه وسلم:
((من أتى حائضاً، أو امرأة في دبرها، أو كاهناً؛
فصدقه بما يقول؛ فقد كفر بما أنزل على محمد )) حديث صحيح. رواه أصحاب السنن وغيرهم.

13. Waxa laga doonayo qofkii u taga xaaskiisa iyadoo qabta caado:
Qofkii ay naftiisa ka xoog badiso oo uu u tago xaaskiisa iyadoo caadadii daahir ka noqon, waa inuu sadaqaystaa ku dhawaad bar Gini oo dahabka Ingiriiska ah ama rubiciisa sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
حديث عبد الله بن عباس رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم في الذي يأتي امرأته وهي حائض، قال:
((يتصدق بدينار أو نصف دينار )) أخرجه أصحاب السنن والطبراني والدارمي والحاكم.
14. Waxa loo oggol yahay xaaskiisa markay caado qabto:
Waa loo oggol yahay inuu ku raaxaysto xaaskiisa markay caado qabto waxaan ka ahayn meesha looga tago dumarka ee la oggol yahay sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
قوله صلى الله عليه وسلم:
(( ... واصنعوا كل شيء إلا النكاح )).

15. Goormaa loo oggol yahay xaaskiisa inuu u tago markay daahir noqoto:
Markii ay daahir ka noqoto caadadeeda, dhiigiina uu ka istaago, waa loo oggol yahay inuu ninka u tago xaaskiisa ka dib markii ay ka qabaysatay caadadii ay qabtay siduu Eebbe Kor ahaaye leeyahay:
﴿فإذا تطهرن فأتوهن من حيث أمركم الله إن الله يحب التوابين ويحبّ المتطهرين﴾.


16. Waa loo oggol yahay inuu celiyo biyihiisa:
Waa loo oggol yahay ninka inuu Shahwadiisa ka ceshto markuu u tagayo xaaskiisa sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن جابر رضي الله عنه قال:
((كنا نعزل والقرآن ينزل ))، وفي رواية:
((كنا نعزل على عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم، فبلغ ذلك نبي الله صلى الله عليه وسلم، فلم ينهنا )) البخاري ومسلم والنسائي والترمذي.

17. Waxay niyaysanayaan markay isguursanayaan:
Waxaa looga baahan yahay labada isqabta inay u niyaystaan guurkooda inay dhowrsoonaato nafsaddooda iyo inay iskaga ilaaliyaan inay ku dhacaan wixii Eebbe oggoleen oo Dembi ah, hadday sidaas sameeyaana waxaa loo qorayaa inay sadaqaysteen oo kale sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
حديث أبي ذر رضي الله عنه:
((أن أناساً من أصحاب النبي صلى الله عليه وسلم قالوا للنبي صلى الله عليه وسلم : يا رسول الله! ذهب أهل الدثور بالأجور، يصلون كما نصلي، ويصومون كما نصوم، ويتصدقون بفضول أموالهم، قال: أو ليس قد جعل الله لكم ما تصدقون؟ إن بكل تسبيحة صدقة، [وبكل تكبير صدقة، وبكل تهليلة صدقة، وبكل تحميدة صدقة]، وأمر بالمعروف صدقة، ونهي عن منكر صدقة، وفي بُضع أحدكم صدقة! قالوا: يا رسول الله! أيأتي أحدنا شهوته ويكون له فيها أجر ؟! قال: أرأيتم لو وضعها في حرام أكان عليها فيها وزر؟ [قالوا: بلى، قال:] فكذلك إذا وضعها في الحلال كان له [فيها] أجر، [وذكر أشياء: صدقة، صدقة، ثم قال: ويجزئ من هذا كله ركعتا الضحى] )) مسلم والنسائي وأحمد.

18. Wuxuu ninku samaynayo habeenka uu aqalgalo subaxeeda:
Waxaa wanaagsan ninka habeenka uu aqalgalo subaxeeda inuu u tago qaraabadiisa ku soo booqday gurigiisa oo uu soo salaamo una soo duceeyo iyagana waa inay salaamaan isaga oo u duceeyaan sidoo kale sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
حديث أنس رضي الله عنه قال:
((أولم رسول الله صلى الله عليه وسلم إذ بنى بزينب، فأشبع المسلمين خبزاً ولحماً، ثم خرج إلى أمهات المؤمنين فسلم عليهن، ودعا لهن، وسلمن عليه ودعون له، فكان يفعل ذلك صبيحة بنائه )) أخرجه الحاكم والترمذي والنسائي وأحمد.

19. Waa inay musqusha qabayska ku taalaa guriga dhexdiisa:
Waa inay musqusha qabayska ku taalaa gurigooda dhexdiisa, mana aha inuu u oggolaado xaaskiisa inay gasho musqusha qabayska ah ee Suuqa ku taala, maxaa yeelay sidaas lama oggola, waana sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن جابر رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم :
((من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فلا يدخل حليلته الحمام، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فلا يدخل الحمام إلا بمئزر، ومن كان يؤممن بالله واليوم الآخر فلا يجلس على مائدة يدار عليها الخمر )) الحاكم والترمذي والنسائي.





20. Lama oggola inay faafiyaan sirta isu galmoodkooda:
Looma oggola labadoodaba inay faafiyaan sirta isu galmoodkooda sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
قوله صلى الله عليه وسلم :
((إن من أشر الناس عند الله منزلة يوم القيامة الرجل يفضي إلى امرأته، وتفضي إليه، ثم ينشر سرها )) ابن أبي شيبة، ومن طريقه مسلم، وأحمد وأبو نعيم.

21. Waa in la sameystaa Alla-bari:
Waxaa lagama maarmaan ah inay samaystaan Alla-bari ka dib markay aqalgalaan sida uu faray Nebiga a.n.k. CabdiRaxmaan ibnu Cowf sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
حديث بريدة ابن الحصيب، قال:
لما خطب علي فاطمة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
(( إنه لا بد للعرس( وفي رواية للعروس ) من وليمة )) - أحمد والطبراني والطحاوي. وإسناده كما قال الحافظ في الفتح: ((لا بأس به ))- .
قال: فقال سعد علي كبش، وقال فلان: علي كذا وكذا من ذرة، وفي الرواية الأخرى: ((وجمع له رهط من الأنصار أصوعاً ذرة )).

22. Ka qaybqaadashada maalqabeenada xoolahooda Alle-bariga:
Waxaa wanaagsan inay ka qaybqaataan maalqabeenada diyaarinta Alla-bariga sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
حديث أنس في قصة زواجه صلى الله عليه وسلم بصفية قال:
((حتى إذا كان بالطريق جهزتها له أم سليم، فأهدتها له من الليل، فأصبح النبي صلى الله عليه وسلم عروساً، فقال:
من كان عنده شيء فليجئ به، ( وفي رواية: من كان عنده فضل زاد فليأتنا به )، قال: وبسط نطعاً، فجعل الرجل يجئ بالأقط، وجعل الرجل يجيء بالتمر، وجعل الرجل يأتي بالسمن، فحاسوا حيساً [فجعلوا يأكلون من ذلك الحيس ويشربون من حياض إلى جنبهم من ماء السماء]، فكانت وليمة رسول الله صلى الله عليه وسلم )) الشيخان وأحمد.

23. Lama oggola in lagu casumo Alle-bariga maalqabeenada oo kaliya:
Lama oggola in lagu gaaryeelo casumaadda Alle-bariga maalqabeenada oo kaliya oo aan la casumin dadka saboolka ah sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
لقوله صلى الله عليه وسلم :
((شر الطعام طعام الوليمة، يدعى لها الأغنياء، ويمنعها المساكين، ومن لم يجب الدعوة فقط عصى الله ورسوله )) مسلم، والبيهقي، وهو عند البخاري موقوفاً على أبي هريرة.

24. Waa in la aqbalaa haddii lagugu casumo Alle-bariga:
Waa inuu ka soo qaybgalaa casumaadda qofkii loogu yeero sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
((إذا دعي أحدكم إلى الوليمة فليأتها[ عرساً كان أو نحوه]، [ومن لم يجب الدعوة، فقد عصى الله ورسوله] ))البخاري ومسلم وأحمد والبيهقي.
25. Waa in la aqbalaa casumaadda haddii aad sooman tahay xataa:
Waa in la aqbalaa casumaadda haddii aad sooman tahay xataa sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
((إذا دعي أحدكم إلى طعام فليجب، فإن كان مفطراً فليطعم، وإن كان صائماً فليصل. يعني: الدعاء )) مسلم والنسائي وأحمد والبيهقي.

Afuridda casumaadda darteed:
Wuu afuri karaa hadduu sooman yahay Soon Sunna ah, gaar ahaan hadduu kaa codsado qofka casumaadda dhiganaya sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
((إذا دعي أحدكم إلى طعام فليُجب، فإن شاء طعم، وإن شاء ترك )) مسلم وأحمد والطحاوي.


26. Looma baahna in la qaleeyo haddii la sooman yahay Soon Sunna ah casumaadda darteed:
Looma baahna qofka inuu qaleeyo hadduu sooman yahay soon Sunna ah ka dib markuu afuray casumaadda darteed sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن أبي سعيد الخدري قال: ((صنعت لرسول الله صلى الله عليه وسلم طعاماً، فأتاني هو وأصحابه، فلما وضع الطعام قال رجل من القوم: إني صائم، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : دعاكم أخوكم وتكلف لكم! ثم قال له: أفطر وصم مكانه يوماً إن شئت ))البيهقي بإسناد حسن.

27. Waa laga baaqan karaa casumaadda haddii meeshaas ay ka jirto wax dembi ah:
Lama oggola qofka inuu yimaado casumaadda haddii ay ka jirto halkaasi wax dembi ah, inuu u yimaado mooyee inuu dadka ka reebo dembigaasi darteed, haddii kale waa inuu ka noqdaa goobtaasi hadduusan awoodin sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن علي قال:
((صنعت طعاماً فدعوت رسول الله صلى الله عليه وسلم، فجاء فرأى في البيت تصاوير، فرجع [قال: فقلت: يا رسول الله! ما أرجعك بأبي أنت وأمي؟ قال: إن في البيت ستراً فيه تصاوير، وإن الملائكة لا تدخل بيتاً فيه تصاوير] )) ابن ماجه، وأبو يعلى بسند صحيح.

28. Waxa wanaagsan inuu sameeyo qofka ka qaybqaadanaya casumaadda:
Waxaa wanaagsan qofka ka qaybqaadanaya casumaadda inuu ugu duceeyaa qofka casumaadda dhiganaya ka dib markii cuntadii la siiyay cunay sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن عبد الله بن بسر أن أباه صنع للنبي صلى الله عليه وسلم طعاماً، فدعاه، فأجابه، فلما فرغ من طعامه قال:
((اللهم اغفر لهم، وارحمهم، وبارك لهم فيما رزقتهم )) ابن أبي شيبة, ومسلم، وأبو داود.


29. In la iskugu tahniyadeeyo wiil iyo caano waa tahniyad Islaam ahayn:
Yaa laysugu tahniyadayn: (wiil iyo caano) sida ay sameeyaan kuwa aan waxba garanayn, maxaa yeelay ma aha tahniyad Islaameed, lamana oggola in sidaas la iskugu tahniyadeeyo sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن الحسن أن عقيل بن أبي طالب تزوج امرأة من جشم، فدخل عليه القوم، فقالوا: بالرفاء والبنين، فقال: لا تفعلوا ذلك [فإن رسول الله صلى الله عليه وسلم نهى عن ذلك]، قالوا: فما نقول يا أبا زيد؟ قال: قولوا: بارك الله
لكم، وبارك عليكم، إنا كذلك كنا نؤمر. ابن أبي شيبة، وعبد الرزاق، والنسائي،وابن ماجه، والدارمي.

30. U adeegidda aroosadda ragga la casumo:
Dhibaato kuma jirto inay aroosadda nafsad ahaanteeda u adeegto dadka la casumay hadday asturan tahay oo aysan dhib ka imaanayn arinkaas sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
حديث سهل بن سعد قال:
((لما عرس أبو أسيد الساعدي دعا النبي صلى الله عليه وسلم وأصحابه، فما صنع لهم طعاماً، ولا قدمه إليهم، إلا امرأته أم أسيد، بلّت ( وفي رواية: أنقعت ) تمرات في تور من حجارة من الليل، فلما فرغ النبي صلى الله عليه وسلم من الطعام أماثته له فسقته، تتحفه بذلك، [فكانت امرأته يومئذ خادمهم وهي العروس] )). البخاري ومسلم.

31. Heesta iyo durbaan garaacidda:
Waa loo oggol yahay ninka inuu u oggolaado dumarka jooga arooska inay dadka ku ogeysiiyaan arooska durbaan garaacid oo kaliya iyo heesta la oggol yahay, heestaas oo aysan ku jirin erayadeeda qurux tilmaamid iyo wax xumaan ahba sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن الربيع بنت معوذ قالت:
((جاء النبي صلى الله عليه وسلم يدخل حين بُني علي، فجلس على فراشي مجلسك مني، ( الخطاب للراوي عنها )، فجعلت جويرات لنا يضربن بالدف، ويندبن من قتل من آبائي يوم بدر، إذ قالت إحداهن: وفينا نبي يعلم ما في غد. فقال: دعي هذه وقولي بالذي كنت تقولين )). البخاري والبيهقي وأحمد والمحاملي في صلاة العيدين. وغيرهم.

32. In laga reebtoonaado wixii ka hor imaanaya Diinta:
Waa inuu ka reebtoonaado wixii ka hor imaanaya Diinta gaar ahaan waxa ay dadku caadaysteen munaasabaddan oo kale, ilaa ay moodeen dadka badankiisu culimada oo ka hadlin darteed in aysan dhib ku jirin, anigase waxaan dadka halkaan uga digayaa dhowr arimood oo muhiim ah:
1. Sawir ku dhejin:
Midda koowaad: In sawirada lagu dhejiyo derbiga hadduu jir leeyahay iyo hadduusan lahaynba, har leeyahay ama har uusan lahaynba, gacan lagu sawiray ama lagu sawirayba qalabka wax sawira, intaas aan soo sheegnay oo dhanba lama oggola, qofkii awoodana waa inuu ka fujiyaa, hadduusanba awoodin inuu jeexjeexo sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
عن عائشة رضي الله عنها قالت:
((دخل علي رسول الله صلى الله عليه وسلم وقد سترت سهوةً لي بقرام فيه تماثيل، ( وفي رواية: فيه الخيل ذوات الأجنحة )، فلما رآه هتكة، وتلون وجهه، وقال: يا عائشة! أشد الناس عذاباً عند الله يوم القيامة الذين يضاهون بخلق الله،
( وفي رواية: إن أصحاب هذه الصور يعذبون، ويقال لهم: أحيوا ما خلقتم، ثم قال: إن البيت الذي فيه الصور لا تدخله الملائكة )، قالت: عائشة: فقطعناه فجعلنا منه وسادة أو وسادتين، [فقد رأيته متكئاً على إحداهما وفيها صورة] )).البخاري ومسلم.

33. Looma oggola ninka iyo naagtaba inay xirtaan fargashiga dahabka ah:
Waxaad ogaataa dumarka iyo raggaba inaan loo oggolayn inay xirtaan fargashiga dahabka ah iyo sidoo kale jijinta iyo silsiladda dahabka ahba sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
((من أحب أن يحلِّق حبيبه بحلقة من نار فليحلّقه حلقة من ذهب، ومن أحب أن يطوق حبيبه طوقاً من نار فليطوقه طوقاً من ذهب، ومن أحب أن يسوّر حبيبه سواراً من نار فليطوقه طوقاً ( ويفي رواية: فليسوره سواراً ) من ذهب، ولكن عليكم بالفضة، فالعبو بها [العبوا بها، العبوا بها] ))أبو داود، وأحمد بسند جيد.


34. Waa inuu ninka xaaskiisa si wanaagsan ula dhaqmaa:
Waa inuu ninka si wanaagsan ula dhaqmaa xaaskiisa, oo uu kula dhaqmaa wuxuu Eebbe oggol yahay, oo uusan kula dhaqmin wuxuusan oggoleen, gaar ahaan hadday da’ yar tahay, sida ku soo aroortay Xaddiiskan:
((خيركم خيركم لأهله،وأنا خيركم لأهلي ))الطحاوي وشطره الأول الحاكم وصححه.

35. Dardaaran ku socda labada isqabta:
Ugu dambayn waxaan u dardaarmayaa labada isqabta:
Midda koowaad: Inay ismaqlaan iskuna taliyaan Eebbe Kor ahaaye daacadiisa iyo in la raaco Axkaamtiisa sugan ee Kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Nebiga a.n.k. aysan ka hormarin hadday ahaan lahayd hidde ama wax ay dadku caado ka dhigteen ama Mad-hab oo Eebbe Kor ahaaye ayaa wuxuu yiri:
﴿وما كان لمؤمن ولا مؤمنة إذا قضى الله ورسوله أمراً أن يكون لهُم الخيرة من أمرهم ومن يعص الله ورسوله فقد ضل ضلالاً مبيناً﴾ [الأحزاب: 36].
Midda labaad: Inuu ku kastaa sameeyo wuxuu Eebbe faray oo waajibaad iyo inuu ilaaliyo xuquuqda uu ku leeyahay qofka kale, tusaale ahaan inaysan marwada dalban inay yeelato ninka xuquuqda uu leeyahay oo dhan sidoo kalena inuusan ninka si xun u isticmaalin xuquuqda dheeriga ah ee Eebbe uu siiyay ninka ee la xiriirta dhaqidda reerkiisa oo dabadeed ku xadgudbo oo uu garaaco xaq la’aan oo Eebbaa wuxuu yiri:
﴿ولهن مثل الذي عليهن بالمعروف وللرجال عليهن درجة والله عزيز حكيم﴾ [البقرة: 228]،
Wuxuu sidoo kale yiri:
﴿الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاء بِمَا فَضَّلَ اللّهُ بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ وَبِمَا أَنفَقُواْ مِنْ أَمْوَالِهِمْ فَالصَّالِحَاتُ قَانِتَاتٌ حَافِظَاتٌ لِّلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ اللّهُ وَاللاَّتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلاَ تَبْغُواْ عَلَيْهِنَّ سَبِيلاً إِنَّ اللّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيراً﴾ [النساء: 34].
Waxaana intaas ku dhamaaday intuu Eebbe iga waafajiyay inaan ka sheego: Aadaabta guurka ee Islaamka.


وسبحانك اللهم وبحمدك، أشهد أن لا إله إلا أنت، أستغفرك وأتوب إليك.

Eebbow Adigaa xumaan oo dhan ka hufnaa mahadna kuu sugnaatay, waxaan marqaati kacayaa inuusan jirin Eebe aan ka ahayn Adiga, waxaana ku weydiisanayaa dembidhaaf waana kuu toobad keenayaa.









الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات
Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galaddiisu ku dhammaadaan wanaagyaalku
http://www.freewebs.com/ina-warfaa

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests