Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

In loo laablakaco Mad-hab waa Bidco

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

In loo laablakaco Mad-hab waa Bidco

Postby ina Warfaa » Mon Feb 01, 2010 10:44 am

In loo laablakaco Mad-hab waa Bidco

بدعة التعصب المذهبي


Qore Sheekh al-Muxaddis
Maxamed Ciid Cabbaasi

-Eebbe ha dhowree-


Turjume CabdiRisaaq Maxamed Cilmi
“ina Warfaa”






Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo tarjamada kitaabkan oo ma dhowrsana




Weli lama daabicin kitaabkan
La soo xiriirka turjumaha ee ku saabsan kitaabkan

Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad xagga tarjamada ah, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka turjumaha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa "E-mailkiisa" oo ah: ”ina_warfaa@hotmail.com” ama http://www.freewebs.com/ina-warfaa.














Mahadnaq

Waxaan ugu horayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii sii faafiyey qoraaladayda, hadday ahaan lahaayeen shabakado ama shakhsiyaadba. Waxaana idin leeyahay dhamaantiin جزاكم الله خيرا .

















Hadalo kooban oo murti ah


Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri:

Haddaad arin usku qabataan waxaad u celisaan Eebbe iyo Rasuulka haddaad rumaysan tihiin Eebbe iyo Maalinta Aakhiro. “Suuradda an-Nisaa”

Imaam Maalik –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Anigu waxaan ahay Bani-Aadan waan khaldami karaa waana haleeli karaa xaqiiqda ee waxaad eegtaan ra’yigeyga wixii dhamaan waafaqa Kitaabka iyo Sunnada qaata, wixii dhamaan aan waafaqin Kitaabka iyo Sunnadana ka taga.

Imaam Shaafici –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Muslimiinta waxay isku waafaqeen qofkii ay u caddaato Sunno ka mid ah Sunnooyinka Rasuulka Eebbe amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee uma banaana inuu uga tago hadal qof kale.

Imaam Abuu Jacfar ad-Daxaawi al-Xanafi –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Qofna kama qaata Diintiisa qof kale waxaan ka ahayn aqoon-laawe ama mid laablakacsan.

Imaam Ibnu al-Jawzi al-Xanbali –Eebbe ha u naxariistee wuxuu yiri:

In qof laga qaato Diinta waa adigoo lumiso caqliga nafciga uu leeyahay maxaa yeelay waxaa loo sameeyay in la isticmaalo oo lagu fekero, waana wax xun in qof la siiyay shumac uu wax ku arko uu iska damiyo oo dabadeedna uu mugdiga ku socdo.









Hordhaca turjumaha

Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.

Waxaa mahad iska leh Eebbe Barbaariyaha uumanka, amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisana korkiisa ha ahaato uunkiisa kii ugu wanaagsanaa Maxamed, reerkiisa iyo intii raacdeyba.

Intaas ka dib: Kitaabkan “In loo laablakaco Mad-hab waa Bidco” ulajeedadaydu waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, anigoo u turjumayo soomaalida jecel iney bartaan Diintooda.

Waxaana weydiisanayaa Eebbaha weyn inuu howshan ka dhigo mid Isaga dartiis loo sameeyay, nooguna daro miisaanka wanaagyadeena maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.

Turjume CabdiRisaaq Maxamed Cilmi
“ina Warfaa”

Helsinki Finland 08.02.1431 H.
oo ku aaddan 23.01.2010 M.

Hordhaca Qoraha

إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالنا من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد ان محمداً عبده ورسوله.

Intaas ka dib: Waxaan kitaabkan uga hadli doonnaa Bidco halis ah oo ay Muslimiinta ku soo dhex jireen qarniyaal badan oo ay yarayd inta fahamtay oo dadka uga digtay “In loo laablakaco Mad-hab waa Bidco”.

Waxaa Muslimiinta dhexdooda ku faaftay qarniyaal badan qofka Muslimka markuu qaangaaro oo uu bilaabo inuu barto Axkaamta Diintiisa waa inuu qaataa mid ka mid ah afarta Madaahib: Al-Xanafi, al-Maaliki, Ash-Shaafici ama al-Xanbali, sida caadiga ahna qofku wuxuu sii qaadan jiray Mad-habka aabihiis oo ay u arki jireen inaan la oggoleen inuu khilaafo Mad-habkiisa iyo inuusan qaadan Madaahibta kale, lamana oggoleen qofka inuu ka qaato hal Cibaado tusaale ahaan dhowr Mad-habood. Waxaana dhacday qofka Muslimka ah in lagu naco hadduusan haysan Mad-hab kaliya oo ka mid ah Madaahibtaas kuwaas oo faafay duruufo leh sababo gaar ah, heer ay dad badan ku magacaabaan qofkii aan kala qaybqaadan Bidcadoodaas Mad-hab-laawe. Qaarkoodna ayba yiraahdeen qofkaan Mad-hab haysan waa Bidcada ugu halista badan taas oo halis ku ah Shareecada Islaamka. Inkastoo sida uu og yahay cilmi-baare kasta oo dhexdhexaad ah inay dadka qaataan mid ka mid ah afarta Mad-hab Mas’alad kastana sidaas la iskaga wada dhaxlaa inay tahay Bidco cusub oo aan jirin waqtigii Nebiga a.n.k. iyo waqtigii Khulafadii hanuunsanayd iyo Asxaabtiisii hanuunsanaydba. Mana aysan faafin Saddaxdii Qarni ka dib mooyee ee uu amaanay Nebiga a.n.k. waqtigaas dadka nool. Oo waxaa faaftay Bidcada Mad-habeed oo dabadeed ay dhashay in loo laablakaco, waxayna keentay in la khilaafo Nusuusta sugan oo laga hormariyo Ra’yiga, dabadeedna ay faaftay is khilaafka iyo Fitanta Muslimiinta dhexdooda iyo in la xeeladaysto Diinta iyo in Diintii la iska qaato Daliil la’aan iyo inay faafto aqoon-la’aanta iyo in la xiro albaabka Ijtihaadka. Sidaas darteed waxaanu rumaysannay Annaga ah Ducaadda Sunnada iyo annagoo ah kuwii raacay waddadii Salafu-saalixa = “Muslimiintii hore ee suubannaa” inaysan suurtoobaynin hagaajin dhab ah Islaamka mooyee, Islaamkaas oo loogu noqonayo siduu ku soo dagay kaas oo ka maran Bidacda iyo Khuraafaadka, Annagoo isku xukumayno Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulka Eebbe a.n.k. arin kasta iyo sidii ay u fahmeen Salafu-saalixa iyo annagoo raadkoodii daba kacayno Hanuunna ka dhiganaya Hanuunkoodii. Waxaa ka mid ah waxyaabaha aynu is niri waa waajib in la hagaajiyo oo ay tahay in dadka looga digaa mas’aladan Mad-habiyada ah, maxaa yeelay waa mas’alad halis ah, mana aha wax fudud siday moodaayaan dadka qaarkiis, illeen qofka Muslimka ah wuxuu u baahan yahay maalin walba inay u caddaato maxay Diinta ka qabtaa waxa la xiriira nolol maalmeedkiisa maxayse tahay inuu sameeyo? Annaguse waxaan leenahay: wuxuu samaynayaa wuxuu Eebbe Kor ahaaye faray, wuxuuna weydiin karaa Caalim kasta hadduusan garanayn siduu arinku ahaan jiray waqtigii Salafu-saalixa, waana inuu ogaadaa mas’alada daliilkeeda hadduu aqoon u leeyahay arinkaas. Iyaguna waxay leeyihiin: waa inuu qofka qaataa hal Mad-hab sida ku faaftay dadkii dambe dhexdooda.

Waxaana weydiisanaynaa Eebbaha Kor ahaaye inuu nagu hanuuniyo waddada toosan, uuna noo dembidhaafo na waafajiyana wuxuu jecel yahay oo uu raali ka yahay isagaa ahe Wanaag-badane Naxariis-badane ah.

Qore Maxamed Ciid al-Cabbaasi
Dimishiq Suuriya 1390 H. oo ku aaddan 1970 M.


















Sidee u aragnaa Madaahibta iyo sidee u aragnaa Ijtihaadka iyo Taqliidka

Waxaan u aragnaa qof kasta oo Muslim ah inuu raaco wuxuu Eebbe ku faray Kitaabkiisa iyo Sunnada Nebigiisa amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee. Muslimna noqon maayo qofkaan raali ku ahayn inuu raaco Kitaabka Eebbe iyo Axaaddiista Rasuulka a.n.k. siduu Eebbe yiri:

إِنَّمَا كَانَ قَوْلَ الْمُؤْمِنِينَ إِذَا دُعُوا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ أَنْ يَقُولُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا وَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Suuradda an-Nuur (51)

Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri isagoo ka hadlaya Munaafiqiinta ”Laba wajiilayaasha”:

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا إِلَى مَا أَنْزَلَ اللَّهُ وَإِلَى الرَّسُولِ رَأَيْتَ الْمُنَافِقِينَ يَصُدُّونَ عَنْكَ صُدُودًا
Suuradda an-Nisaa (61)



Culimada Islaamkana waxay Muslimiinta u kala qaybiyeen saddax Darajadood

Darajada koowaad waxaa la yiraahdaa Muqalidiin waana kuwa aan aqoonta u lahayn Diinta, waxaana waajib ku ah inay ka qaataan Diintooda Caalim kasta oo aqoon u leh Kitaabka iyo Sunnada oo ay ku kalsoon yihiin Diintiisa iyo Cilmigiisaba.

Darajada labaad waxaa la yiraahdaa Mujtahidiin waana kuwa aqoonta u leh Diinta, waxaana waajib ku ah inay ku dadaalaan sidii ay ku ogaan lahaayeen wixii Kitaabka iyo Sunnada ku soo aroortay oo dabadeed ay raacaan, dadkana sidaas u baraan.

Darajada saddaxaad waxaa la yiraahdaa Mutabiciin waana kuwa raaca hadba sida ay Diintu dhigayso, waxaana waajib ku ah inay raacaan wixii ay ogaadeen ee leh Daliil Sharci ah ee Aaraada Culimada ah.

Sidaas darteed qofkii awooda inuu Ijtihaado looma oggola inuu qof kale ka qaato Diintiisa markay lagama maarmaan noqoto mooyee.
Qofkii awoodo inuu raaco hadba sidii Diintu ay dhigayso looma oggola inuu qof kale ka qaato Diintiisa iyo inuu Ijtihaado.

Qofkaan awoodin inuu Ijtihaado iyo inuu raaco hadba sidii Diinta ay dhigayso waa inuu markaasi ka qaataa Diintiisa qof kale, sida Eebbe Kor ahaaye leeyahay:

اتَّبِعُوا مَا أُنْزِلَ إِلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ وَلاَ تَتَّبِعُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ قَلِيلاً مَا تَذَكَّرُونَ
Suuradda al-Acraaf (3)

Iyo siduu Eebbe leeyahay:

وَمَا آَتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُو
هُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانْتَهُوا وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Suuradda al-Xashr (7)

Qofkii Muslim ah ee aqoon durugsan u lahayn Kitaabka iyo Sunnada waxaa la gudboon inuu weydiiyo Culimada aqoonta u leh sida Eebbe Kor ahaaye leeyahay:

فَاسْأَلُواْ أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ
Suuradda an-Naxl (43)

Waa fikrad khaldan in la yiraahdo albaabka Ijtihaadka waa xiran yahay

Waxaa ku faaftay Fuqahadii dambe dhexdooda Dacwad laablakac ah oo halis ah taas oo ah in Ijtihaadkii waqtigiisii dhamaaday albaabkiisiina uu xirmay ka bilaabato qarnigii afaraad ee Hijriga ilaa maalinta Aakhiro iyo in Mujtahidiintii Umadda Islaamka ay go’day silsiladdoodii dahabiga ahayd uusan jiri doonin Mujtahid dambe laga bilaabo qarnigii afaraad ee Hijriga ilaa laga gaarayo maalinta Aakhiro, umana banaana Muslimiinta dambe inay ka qaataan Diintooda Muslimiintii hore mooyee, loomana oggola inay khilaafaan sideedaba, waxay awoodaan oo kaliya waa inay kala doorbidaan qaar ka mid ah Muslimiintii hore Aaraadooda iyadoo lagu dhex jiro Mad-hab kaliya dhexdiisa.

Waxaa kuu Daliil ah in hadalkooda waxba ka jirin inuu Eebbe Kor ahaaye soo saaray qarnigii afaraad ee Hijriyada ka dib Culimo waaweyn kuwaasoo aan ka yaraysan Imaamyada Mujtahidiinta ah xagga Cilmiga iyo Fiqhigaba sida: Inbu Xazm, an-Nawawi, al-Ciz Ibnu CabdiSalaan, Ibnu Daqiiq al-Ciid, Ibnu Taymiya, Ibnu Qayyim, Ibnu Xajar, Ibnu Kathiir, ad-Dahabi -Eebbe dhamaantood ha u naxariistee- iyo kuwo kaleba.

Sidee u aragnaa afarta Imaam ee Mujtahidiinta ah

Waxaanu u aragnaa Imaamyada Mujtahidiinta ah gaar ahaan afarta Imaam sida: Abuu Xaniifa, Maalik, ash-Shaafici iyo Axmed –Eebbe ha ka raali ahaadee- waxay agteena ka yihiin Culimo waaweyn waxaan u aragnaa Imaamyadeenna oo tusaale wanaagsan noo ah waxaa kale oo ay noo yihiin Salafkeenii-saalixa ahaa, haddana waxaanu samaynaynaa wuxuu Eebbe Kor ahaaye na faray inaan weyneyno Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa a.n.k. oo meeshaan ku aragno Xaqqa aynu qaadanno.

Sidaas darteed haddaanu aragno Ra’yi ka mid ah Aaraada Imaamyadaas oo ka hor imaanaya Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisa a.n.k. waxaa waajib nagu ah iyo qofkii arinkaas gaarto inuu ka tago Ra’yiga Imaamkaas oo uu qaato hadalka Eebbe iyo Rasuulkiisa a.n.k., maxaa yeelay Imaamyadaas Eebbe ha u naxariistee ma aysan wada koobin Sunnada sida ay u dhan tahay oo waxaa hareer martay arimo, qaar ka mid ah Sunnadana lama aysan socon oo ma aysan ku dhaqmin sidii inay soo gaartay Sunno kale oo ku timid dariiqyo aan sugnayn oo dabadeed ay ka tageen oo ka dibna ay ka sugnaatay dariiqyo kale. Sidoo kale waxay u moodeen qaar ka mid ah Axaaddiista inay sugan tahay oo ay fatwoodeen ka dibna caddaatay inaanay sugnayn i.w.m..

Afarta Imaam waxa ay ka yiraahdeen haddii Aaraadooda ay ka hor timaado Kitaabka iyo Sunnada

1. Imaam ash-Shaafici –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Ku kasta oo naga mid ah waxaa garab maraysa Sunno ka mid ah Sunnooyinka Rasuulka a.n.k. oo ka qarsoomaysa.

Sidoo kale wuxuu yiri: Haddii Xaddiiska sugnaado waa Mad-hab-key.


2. Imaam Abuu Xaniifa –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Uma banaana midkeen inuu qaato Ra’yigeenna hadduusan garanayn halkee ayaannu ka qaadanay.

Sidoo kale wuxuu yiri: Waxaannu nahay Bani Aadan waxaannu leenahay hadal maanta waxaana dhacda inaan ka noqono hadalkaas berito.

3. Imaam Maalik –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Anigu waxaan ahay uun Bani Aadan waan gefi karaa waana haleeli karaa Xaqiiqda ee waxaad eegtaan ra’yigeyga wixii dhamaan waafaqa Kitaabka iyo Sunnada qaata, wixii dhamaan aan waafaqin Kitaabka iyo Sunnadana ka taga.

Sidoo kale wuxuu yiri: Ma jiro qof ka dambeeya Nebiga a.n.k. illaa waa la qaadan hadalkiisa waana laga tegi karaa qof aan ka ahayn Nebiga a.n.k.





4. Imaam Axmed al-Xanbali –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Ha iga qaadan Diinta hana ka qaadan Maalik, ash-Shaafici, al-Awzaaci iyo al-Thawriba ee waxaad ka qaadataa halkii ay ka qaateen.

Sidoo kale wuxuu yiri: Qofkii ka taga Xaddiiska Rasuulka Eebbe a.n.k. kaasi wuu hoogay.

Sidee u aragnaa afarta Madaahib

Waxaanu u aragnaa afarta Madaahib inay u qaybsamayaan saddax qeybood:

1. Qayb ka mid ah waa la isku wada raacsan yahay dhamaan inay Salaadda waajib tahay iyo inta Rakcadood ee la tukanayo i.w.m.

2. Qayb ka mid ah waa la isku khilaafsan yahay hase ahaatee waa khilaaf intaba soo wada aroortay sida Ducooyinka lagu furto Salaadda iyo at-Taxiyaadka oo loo akhrin karo siyaabo kala duwan iyo Qur’aanka oo loo akhrin karo sidoo kale siyaabo kala duwan. Kuwaas waa la oggol yahay in lagu dhaqmo midkii la doono maadaama ay ku soo arooreen Kitaabka iyo Sunnada. Waxaana wanaagsan mar mid in lagu dhaqmo i.w.m.

3. Qayb ka mid ah waa aad baa la iskugu khilaafsan yahay mana suuroobayso in la kulmiyo dhamaan Aaraada kala duwan. tusaale ahaan: Inay weysada jabayso hadduu ninka taabto naag Ajnabi ah, dhiig hadduu imaado, cunidda hilibka geela iyo in mar walba la Qunuudo Salaadda Subax iyadoo dhibaato aan jirin i.w.m.

Qaybtan aadka la iskugu khilaafsan yahay waxaanu u aragnaa waxaa waajib ah in laga raadiyo Xaqiiqda dhamaan Madaahibta ee aan lagu ekaan Mad-hab kaliya. Waana inuu qofkii awoodo inuu Ijtihaado inuu soo bandhigo Aaraada Madaahibta ee kala duwan iyo Daliilyadooda dabadeedna uu qaato midda ugu xoog badan ee la doorbidi karo xagga Daliilka maxaa yeelay Xaqqa kuma wada dhamma Mad-hab kaliya ee wuxuu ku kala firirsan yahay dhamaan Madaahibta oo waxaa dhacda in Mas’alad sida saxa ah laga helayo Mad-habka Abuu Xaniifa, Mas’alad kalena Mad-habka ash-Shaafici, Mas’alad kalena Mad-habka Maalik iyo Mas’alad kalena Mad-habka Axmed al-Xanbali i.w.m. Sidaas darteed haddaanu qaadanno Mad-hab kaliya waxaanu luminaynaa Xaq fara badan oo laga helayo Madaahibta kale waana waxaan la oggoleen inuu sameeyo Muslim caqli leh.

Markii ay dhacday inaan la ogaan karin Xaqqa ee ay Madaahibta isku khilaafeen in loo noqdo mooyee Sunnada ayay Ducaadda Sunnada ka dhigteen asalka ay u noqonayaan Sunnada oo ay ku dhisayaan Aaraadooda iyo afkaartooda.

Tusaalooyin siduu khilaafka uga taagan yahay ducaadda Sunnada iyo kuwa ka soo horjeeda:

Mas’alad ay ku gefeen Kuwa la laablakacsan Xanafiyada:

Kor uma qaadaan gacmahooda markay Rukuucayaan iyo markay Rukuuca ka soo kacaan, inkastoo arinkaas ay ku soo aroortay Xaddiis sugan inuu Nebiga a.n.k. sidaas samayn jiray.
Mas’alad ay ku gefeen Kuwa la laablakacsan Maalikiyada:

Markay tukanayaan gacmaha laabta ma saaraan, inkastoo arinkaas ay ku soo aroortay Xaddiis sugan inuu Nebiga a.n.k. sidaas samayn jiray.

Mas’alad ay ku gefeen Kuwa la laablakacsan Shaaficiyada:

Markay tukanayaan ma akhriyaan Suurad ay ku jirto “Sujuud”, inkastoo arinkaas ay ku soo aroortay Xaddiis sugan inuu Nebiga a.n.k. sidaas samayn jiray.

Mas’alad ay ku gefeen Kuwa la laablakacsan Xanaabilada:

Markay Najaasada ka nadiifinayaan jirka iyo dharkaba ma dhaqaan saddax jeer, inkastoo arinkaas ay ku soo aroortay Xaddiis sugan inuu Nebiga a.n.k. sidaas samayn jiray.




Mukhaalafaadkaasi faraha badan ee looga soo horjeedo Sunnada darteed ayaan ula dagaalamaynaa in loo laablakaco Mad-hab.

Mad-habiyiinta waxay ka dhigeen Mad-habka Asal iyo Aasaas Kitaabka iyo Sunnadana Farac iyo Wixii raacsan.

In loo laablakaco Mad-hab wuxuu ka hor imaanayaa Diinta iyo Cilmigaba.

Xaaladda ay ku sugan yihiin Kuwa la laablakacsan Mad-hab iyo waxyaabaha aan uga soo horjeedno:

Ceebaha Madaahibta waxaa laga helayaa qarniyaalkii dambe.

1. In laga soo horjeesto Nusuusta Saxiixa ah iyadoo loo laablakacsan yahay Mad-hab

Halista ay leedahay arinkaasi.

Imaamyada waxay kula taliyeen Asxaabtooda in la qaadan ra’yigooda ka hor imaanaya Kitaabka iyo Sunnada.
In laga hormariyo Ra’yi kaligiis Nusuusta iyadoo loo laablakacsan yahay Mad-hab.

2. Kutubta Madaahibta waxaa ka buuxa Axaaddiis aan sugnayn iyadoo Axkaamta Daliil looga dhigayo.

3. Ku dhegnaanta Mad-hab kaliya iyo in laga faaidaysan Madaahibta kale.

4. Kutubta Madaahibta oo in fara badan ay ka maqan yihiin Daliilyada Sharciga ah.

Taqliidka waa sababta ay ku halaagsamaan Ummadaha.

Salafka way reebi jireen su’aasha waxaan weli dhicin.

5. Waxaa faaftay khilaafkii iyo in la qaybsamo iyo Fitanta u dhexeysa Muslimiinta.

Qur’aanka wuu dhaleeceeyay Khilaafka.

Is aflagaadeynta Mad-habiyiinta dhexdooda.

Dagaalka Xanafiyada ay ku hayaan Shaaficiyada.

Shaaficiyada oo u jawaabaysa Xanafiyada.

Waxaa faaftay doodaha u dhexeeya Mad-habiyiinta.

Waxaa faaftay Fitanta iyo in loo laablakaco Mad-hab darteed.

6. Duruufta iyo dano Siyaasadeed ayaa ka dhigtay inay faafto Madaahibta:

Sida la wada ogsoon yahay Fuqahadii waaweyneed ma aysan ahayn afar kaliya ee waa ay badnaayeen, waxaana ka mid ahaa Abuu Xaniifa, Maalik, Sufyaan ath-Thawri, Sufyaan Ibnu Cuyayna, Cabdullaahi Ibnu Mubaarak, Abuu Camr al-Awzaaci, CabdiRaxmaan Abuu Layla, al-Layth Ibnu Sacd, ash-Shaafici, Axmed Ibnu Xanbal, Daauud Ibnu Cali, Abuu Thawr, Ibnu Jariir ad-Dabari iyo kuwa kaleba dhamaantood Eebbe ha ka raali noqdee. Waxaana ka soo haray Fuqahadii aan soo sheegnay Madaahibtoodii afar Mad-hab oo kaliya.

Cabbaasiyiinta ayaa ka dambeeyay inay fiddo Mad-habta Abuu Xaniifa.

Umawiyiinta ayaa fidiyay Mad-habta Maalikiyada.

Ayuubiyiinta ayaa fidiyay Mad-habta Shaaficiyada.

Sucuudiyiinta ayaa fidiyay Mad-habta al-Xanaabilada.

Sidaas darteed in loo noqdo Islaamka saxda ah waa jidka kaliya ee lagu badbaadi karo.

Wixii intaas ka badan oo macluumaad ah wuxuu u noqon karaa Kitaabkii laga turjumay.



الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات
Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galaddiisu ku dhammaadaan wanaagyaalku

http://www.freewebs.com/ina-warfaa

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

Return to “Islam - Islamic Way of Life”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests