Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maxay Diinta ka qabtaa Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada?

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Maxay Diinta ka qabtaa Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada?

Postby ina Warfaa » Mon Feb 01, 2010 10:56 am

Maxay Diinta ka qabtaa Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada?

Muxaddis al-Casr al-Imaam al-Mujaddid Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani
-Eebbe ha u naxariistee-

Ayaa waxaa la weydiiyay: Maxay Diinta ka qabtaa Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada Islaamka iyagoo weliba ku kala duwan Manhaj-yadooda iyo Caqiidooyinkooda, inkastoo Kooxda, Xizbiga iyo Ururka Xaqqa ah uu mid yahay sida Xaddiiska sugan ku soo aroortay?

Sheekh Albaanina wuxuu ku jawaabay: Kama qarsoona Muslim kasta oo yaqaan Kitaabka iyo Sunnada iyo siday u fahmeen Salafkeenii saalixa ahaa in lagu biiro Kooxo, Axzaab iyo Ururo kala duwan Afkaartooda iyo Manaahijtooda inaysan Islaamka ka mid ahayn, waana wuxuu Eebbeheenna Kor ahaaye nooga reebay Aayado badan oo Qur’aanka kariimka ah oo ay ka mid tahay:

{ولا تَكونُوا مِن المشركِـين من الذِيْنَ فَرَّقُوا دِينَهُم وكَانُوا شِيَعَاً كل حِزب بِما لَدَيهم فَرحُون}.

Sidoo kale wuxuu Eebbe yiri:

{وَلَو شَاءَ رَبُكَ لجَعلَ النَّاسَ أمةً وَاحِدة وَلا يَزَالُونَ مختَلِفِين إلا مَن رَحِمَ رَبُك}

Eebbe Kor ahaaye wuxuu ka saaray Khilaafkan kaas oo ah mid abuureed ee ma aha mid Sharciyeed, wuxuuna ka saaray iskhilaafkan Kooxda loo naxariisanayo markuu lahaa:

{إلا مَن رَحِم رَبُك}

Waxaan shaki ku jirin Koox kasta oo doonaysa inay ka mid noqdaan Ummadda loo naxariisanaya ee laga saaray Khilaafkan abuurka ah inaysan gaari karin inay u noqdaan mooyee Kitaabka iyo Sunnada Rasuulka a.n.k. iyo siday u fahmeen Salafkeenna saalixa ahaa Eebbe ha ka raali ahaadee.

Wuxuuna noogu caddeeyay Rasuulka Eebbe a.n.k. Manhajka iyo jidka toosan Axaaddiis fara badan oo sugan inuu maalin maalmaha ka mid ah dhulka ku kor xariiqay xariiq toosan uuna ku ag xariiqay xariiqyo gaagaaban xariiqdii toosneed dhinacyadeeda ka dibna wuxuu akhriyay hadalkii Eebbe Kor ahaaye:

{وأنَّ هَذَا صِرَاطِي مُسْتَقيمَاً فَاتبَّعُوهُ وَلا تَّتبعوا السُبُلَ فَتَفَرَقَ بكم عَن سَبِيله }

Wuxuu la maray farihiisii xariiqdii toosneed korkeeda oo uu yiri waa tan waddadii Eebbe, waddooyinkan dhinac marayana xariiqda toosan wuxuu Nebiga a.n.k. yiri:

Waddo kasta madaxeeda waxaa jooga Sheydaan dadka ugu yeeraya.

(وعلى رأس كل طريق منها شيطان يدعو الناس إليه) .

Waxaana shaki ku jirin waddooyinkan ee gaagaaban inay matalayaan Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada, sidaas darteed waxaa ku waajib ah qof kasta oo Muslim ah ee doonaya inuu si dhab ah u ahaado Kooxda badbaadaysa waa inuu ka ambaqaadaa waddada toosan, waana inuusan u bixin dhanka midig iyo bidixba mana jira Xizbi guulaysanaya Xizbiga Eebbe Kor ahaaye mooyee, oo uu noogu sheegay Qur’aanka kariimka:

{ألا إنَّ حِزْبَ الله هُم المفلِحُون} .

Sidaas awgeed xizbi kastana ma aha Xizbiga Eebbe ee waa xizbi Sheydaan, waxaana shaki ku jirin in la qaado waddada toosan waxay u baahan tahay in loo garto waddadan toosan garasho sax ah, mana aha in loogu biiro oo kaliya Koox si indho la’aan ah iyagoo ku hadaaqaya waxaan doonaynnaa “Islaam”, waa run in loo baahan yahay Islaam, hase ahaatee uma fahmayaan Islaamkan siduu Eebbe Kor ahaaye ugu soo dejiyay qalbiga Maxamed amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee.

Sidaas darteed waxaa ka mid ah astaanta Kooxda badbaadaysa ee uu sheegay Nebiga a.n.k. markii la weydiiyay ee uu yiri:

Waa waxaan ku suganahay aniga iyo Asxaabtayda.

هي ما أنا عليه وأصحابي .

Sidaas darteed Xaddiiskan wuxuu ka dareemayaa qofka raadinaya inuu ogaado waddada Eebbe ee toosan, inay waajib tahay inuu ogaado laba arin oo aad u muhiim ah:

Midda hore: Wuxuu ku sugnaa Rasuulka amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee.

Midda dambe: Waxay ku sugnaayeen Asxaabtiisa amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee.

Maxaa yeelay Asxaabtii sharafta lahaa waa kuwii noo soo gudbiyay midda koowaad hanuunkiisa a.n.k. iyo Sunnadiisa midda labaad waa kuwii si wanaagsan u hirgeliyay Sunnadan oo ku dhaqmay, sidaas darteed ma ogaan karno ogaansho sax ah Sunnada Nebiga a.n.k. Asxaabtiisa xaggooda mooyee.

Sidaas darteed looma fahmi karo Islaamka si sax ah in la ogaado mooyee taariikh nololeedkii Saxaabada iyo siday ugu dhaqmeen Islaamkan ee ay ka qaateen Nebiga a.n.k.

Sidaas darteed waxaan hubnaa Koox kasta oo uusan ku taagnayn aasaaskooda Kitaabka iyo Sunnada iyo Manhajkii Salafu-saalixa, oo aan u lahayn aqoon fog dhamaan Axkaamta Islaamka Usuusheeda iyo Furuucdeedaba inaysan ka mid ahayn Kooxda badbaadaysa ee ku taagan waddada toosan ee uu noogu tilmaamay Rasuulka a.n.k. Xaddiiska sugan.

Haddii aan ka soo qaadno inay ka jiraan Kooxo dalalka Islaamka oo haysta Manhajkan, la dhihi maayo kuwani waa Kooxo, Axzaab iyo Ururo ee waa uun hal Koox, Manhajkooduna waa Manhaj kaliya ee waxay uun kala joogaan dalal kala duwan ee kuma kala qaybsana xagga fikirka, caqiidada iyo manhajka, halka Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada kale ee ku wada sugan hal dal haddana ay koox walba isla riyaaqsan tahay:

فكل حزب بما لديهم فرحون.

Sidaas darteed Kooxahan, Axzaabtan iyo Ururadan uma haysanno inay hayaan jidka toosan ee waxaan hubnaa inay hayaan waddooyinkaas uu joogo wadda kasta madaxeeda Shaydaan ugu yeeraya.

Wuxuuna Sheekh Albaani yiri isagoo sharxaya Xaddiiska Xudayfa ee ahaa:

(( فاعتزِل تلك الفرق كُلّها ))

Xaddiiskan wuxuu tilmaamayaa qofka Muslimka ah hadduu gaaro xaaladdan oo kale waxaa ku waajib ah markaasi inuusan ku biirin wax Koox, Xizbi iyo Urur ah toona marka aysan jirin shacab uu u taliyo Madaxweyne Muslim ah.

Waxaa soo diyaariyay

CabdiRisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa”

ina_warfaa@hotmail.com

http://www.freewebs.com/ina-warfaa

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests