Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Shirkiga ama caksiga Towxiidka

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Shirkiga ama caksiga Towxiidka

Postby ina Warfaa » Sat Dec 25, 2010 2:17 am

Shirkiga ama caksiga Tawxiidka

Layskama ilaalin karo in Allaah loo shariik yeelo in layska ilaaliyo mooyee saddexdan nooc ee Shirkiga:

Midda koowaad: In Allaah loogu Shariik yeelo Rabbinimada waana iyadoo la rumaysto inuu jiro Allaah kale oo wax abuura sida ay rumaysan yihiin Majuusiyiinta, kuwaas oo oranaya Sharka waxa abuura Allaah kale, Shirkiga noocan oo kale ahna Muslimiinta wuu ku yar yahay Eebbaana mahad leh, inkastoo uu u dhow yahay hadalka ay yiraahdaan Muctazilada ee ah:

Sharku waa uun waxa uu dadku sameeyo.

Midda labaad: In Allaah loogu Shariik yeelo Ilaahnimada ama addoon loo ahaanshaha waana in Allaah lala caabudo Ambiyada iyo Saalixiinta sida in la gargaar weydiisto oo loo dhawaaqo marka la dhibban yahay i.w.m.. Nasiib xumose Shirkiga noocan oo kale Muslimiinta waa uu ku badan yahay, waxaana qaadaya dembiga intiisa badan Shuyuukhda taageersan shirkiga noocan oo kale iyagoo ku magacaabaya Tawassul yacni Ugu dhawaansho “waxayna ugu yeerayaan magac aan ahayn kiisa“!.

Midda saddexaad: In Allaah loogu shariik yeelo Sifaadka ama Tilmaamaha waana in lagu sifeeyo qaar ka mid ah wuxuu Allaah abuuray qaar ka mid ah tilmaamayaalkii Allaah gaarka u ahaa tusaale ahaan in la og yahay Qaybka yacni waxa qarsoon, shirkiga noocan oo kale ahna wuxuu ku badan yahay Suufiyada iyo kuwii raacay raadkooda sida qaar iyaga ka mid ah ay ku amaanaan Nebiga amaanta Allaah iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee:

“Wa min culuumika cilmul-Lawx wal-Qalam”! yacni “waxaa ka mid ah Culuuntaada Cilmiga Looxa iyo Qalamka!”

Halkan ayayna ka timid baadida qaar ka mid ah Dajjaaliinta yacni Beenlowyaasha kuwaasoo sheegta inay arkaan Rasuulka amaanta Allaah iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee maanta iyagoo soo jeeda, waxayna weydiiyaan wixii ka qarsoomay oo Qayb ah.

Rasuulkii Allaahna amaanta Allaah iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee ma ogaan jirin Qaybka markuu noolaa: (Haddaan ogaan lahaa Qaybka waxaan badsan lahaa wanaagga xumaanna ma arkeen) siduuse ku ogaanayaa markuu dhintay ka dib?!.

Sidaas darteed qofkii ka ilaaliya Tawxiidka Allaah saddexdaas nooc ee shirki wuxuu Allaah u keli yeelay Rabbinimadiisii, Cibaadidiisii iyo Sifaadkiisii.

Qofkiise Tawxiidka sidaas u sugin, Allaah wuxuu ku yiri:

Haddaad Allaah u shariik yeeshid waxaa buraaya camalkaaga waxaadna ka mid noqonaysaa kuwii khasaaray.

Waxaana maqaalkan ka turjumay kitaabka la yiraahdo al-Caqiida ad-Daxaawiya oo uu sharxay al-Muxaddis al-Faqiih Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani –Eebbe ha u naxariistee-

Waxaana turjumay CabdiRisaaq Maxamed Cilmi "ina Warfaa" ina_warfaa@hotmail.com ama http://www.freewebs.com/ina-warfaa

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests