Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ma la soomi karaa Carafada ee ku aaddan Sabtida?

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Ma la soomi karaa Carafada ee ku aaddan Sabtida?

Postby ina Warfaa » Wed Nov 02, 2011 11:09 am

Ma la soomi karaa Carafada sanadkan ee ku aaddan maalinta Sabtida?


Sanadkan waxay noqonaysaa maalinta Carafo -Hadduu Eebbe yiraahdo- maalinta Sabtida ee nagu soo food leh.


Waxaan jeclaystay in aan u soo gudbiyo dadka la socda iyo kuwa aan la soconba Xaddiiskan:


لا تصوموا يوم السبت إلا فيما افترض عليكم وإن لم يجد أحدكم إلا لحاء عنبة أو عود شجرة فليمضغه


الراوي:الصماء بنت بسر المحدث:الألباني - المصدر:إرواء الغليل-الصفحة أو الرقم:4/118


خلاصة حكم المحدث:صحيح على شرط البخاري


Oo macnihiisu yahay:


Ha soomina maalinta Sabtida Soon la idinku waajib yeelay mooyee, hadduusan helina midkiin qolof canab mooyee ama laan geed ha iska calaanjiyo.

Waana Xaddiis sugan.


Wuxuu ku yiri al-Muxaddis al-Faqiih Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee- isagoo ka hadlaya Xaddiiskan kitaabkiisa la yiraahdo تمام المنة bogga 406:


In loo fasiro Xaddiiska in loo diidayo soonka sabtida keli ahaantiisa wuxuu ka hor imaanayaa hadalka Rasuulka c.s.w. ee uu leeyahay:

" إلا فيما افترض عليكم "

Oo macnaheedu yahay: In la idinku waajib yeelay mooyee.


Sidoo kale waxaa jira Axaaddiis laga dhadhansanayo macnahooda in la soomi karo, sidaas darteed waan iswaafajin karnaa oo kulmin karnaa Xaddiiskan iyo Axaaddiista kale haddii aan doonayno inaan raacno Qawaacidda cilmiga ee ku qoran kutubta Usuusha sida:

1.Culimada Usuusha oo yiraahda hadday iska horyimaadaan Axaaddiista midna oggolaanaya midna diidaya, waxaa la qaadanayaa midka diidaya oo waa laga tagayaa midka oggolaanaya.

2.Hadday iska horyimaadaan Axaaddiista ka hadlaysa Nebiga c.s.w. wuxuu yiri iyo wuxuu sameeyay, waxaa la qaadanayaa Nebiga c.s.w. wuxuu yiri oo waa laga tagayaa wuxuu sameeyay.


Qofkii u kuurgala Axaaddiista ka hor imaanaya Xaddiiskan aan kor ku soo sheegnay, waxaa u soo baxaysa inay yihiin laba jaad:

1.Nebiga c.s.w. wuxuu sameeyay iyo soonkiisii,.

2.Nebiga c.s.w. wuxuu yiri sida Xaddiiska ابن عمرو


Waxaana muuqda oo iska cad labada Xaddiisba waa la soomi karaa, kolkaasoo in la kulmiyo Axaaddiista oggolaanaya iyo Xaddiiska diidaya waxay noqonaysaa haddii aan dabbaqno Qaacidada Usuuliga inaan qaadano Xadiiska diidaya maxaa yeelay waa kii diidayay, Xaddiiska kalena waa kii oggolaanayay. Sidoo kale wuxuu Nebigu c.s.w. ku yiri Juweyriya:


" أتريدين أن تصومي غدا " Oo macnaheedu yahay: Ma doonaysaa inaad soonto beri. Macnihiisuna yahay in loo oggol yahay sidoo kale, waana laga tagayaa Xaddiiskan oggolaanaya oo waxaa la qaadanayaa Xaddiiska diidaya sida ay oranayso Qaacidada Usuuliga ee aan kor ku soo sheegnay.


Waxaa soo diyaariyay CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa”

http://www.freewebs.com/ina-warfaa/ ama ina_warfaa@hotmail.com

User avatar
abuu_dujaana
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 349
Joined: Wed Oct 28, 2009 1:10 pm

Re: Ma la soomi karaa Carafada ee ku aaddan Sabtida?

Postby abuu_dujaana » Sun Nov 06, 2011 7:26 am

Jzk khairan ustaad ina warfaa. Mowduuc muhiim ah oo runtii aad loogu baahnaay ayaad ka hadashay, sababtoo ah dad badan ayaa maalintii sabtida ahayd sidaas soonkii carafaad ku dhaaftay, taasii runtii ah arrin nasiib daro ah.

UStaad ina warfaa bishaan xajka lagu jiro suaalaha ugu badan oo la iswaydiiyo oo dadka badankooda ay ku wareersan yihiiin waxay tahay
Qofkii europe ama American kasoo baxay asigoon diyaarada kusoo ixraamanin ee Jeddah ku hormar intee kasoo ixraaman karaa? waayo dadka badankoodii Masjidu Tanciin(caaisha) iska tagaaan sidii ayagoo reer Makkah ah!

suaasha kale ee la xiriirta xajka: Intaan la gaarin xajka waxaad haysataa waqti dheer ah mala ogol yahay inaad cumro kale samaysid ama waalidka usamaysid haddii haa tahay ilaa intee cumro ah ayaa ugu badnaan laguu ogol yahay?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest