Ma lagu daba tukan karaa Imaam salaaddiisa aan kula toosnayn, Dembiile ama Bidcoole ah?
Haa waa lagu daba tukan karaa oo waa tuu ku yiri Xaddiis ka sugnaaday Rasuulka amaanta Allaah iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee:
يصلون لكم فإن أصابوا فلكم ولهم، وإن أخطئوا فلكم وعليهم.
Way idin tujinayaan haddii ay asiibaan waad leedihiin iyagana way leeyihiin, haddiise ay gefaan waad leedihiin iyagana ma laha.
والصحابة – رضي الله عنهم – كانوا يصلون خلف الأئمة الفجار ولا يعيدون كما كان ابن عمر وأنس يصليان خلف الحجاج بن يوسف.
Saxaabadana -Eebbe ha ka raalli ahaadee- waxay ku daba tukan jireen madax dembiilayaal ah salaaddana dib uma soo celin jirin sida ay ugu daba tukan jireen Ibnu Cumar iyo Anasba gadaasha الحجاج بن يوسف.
وكذلك عبدالله بن مسعود كان يصلي خلف الوليد بن عتبة بن أبي معيط وهو يشرب الخمر.
Sidoo kalena Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu ku daba tukan jirey الوليد بن عتبة بن أبي معيط isagoo ah mid khamrada caba.
Diyaariye CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa” ina_warfaa@hotmail.com http://www.freewebs.com/ina-warfaa/