Ma lagu Ictikaafi karaa Masjid kasta?
Maadaama aan ku guda jirno Bishii barakeysneed ee Ramadaanka ayna nagu soo food leedahay tobanka u dambeysa.
Waxaan jeclaystay in aan u soo gudbiyo dadka la socda iyo kuwa aan la soconba Xaddiiskan:
لا اعتكاف إلا في المساجد الثلاثة
الراوي: حذيفة بن اليمان - خلاصة الدرجة: إسناده صحيح على شرط الشيخين - المحدث: الألباني - المصدر: السلسلة الصحيحة - الصفحة أو الرقم: 2786
Oo macnihiisu yahay:
Ma lagu Ictikaafi karo waxaan ka ahayn Saddexda Masaajid.
Waana Xaddiis sugan.
Wuxuu ku yiri al-Muxaddis al-Faqiih Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee- isagoo ka hadlaya Xaddiiskan kitaabkiisa la yiraahdo قيام رمضان bogga 36:
Ka dibna waxaan dul istaagay Xaddiis sugan oo iska cad oo ku gaaryeelaya (وَلا تُبَاشِرُوهُنَّ وَأَنْتُمْ عَاكِفُونَ فِي الْمَسَاجِدِ) "Masaajidda" lagu sheegay Aayaddan Saddexda Masaajid yacni al-Masjidul-Xaraam, al-Masjidu-Nabawi iyo al-Masjidul-Aqsaa, waana hadalka uu Nebigu ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee uu ku leeyahay:
"لا اعتكاف إلا في المساجد الثلاثة"
Oo macnaheedu yahay: Ma lagu Ictikaafi karo waxaan ka ahayn Saddexda Masaajid.
Waxaa sidaas oo kale yiri oo Salafkii ka mid ahaa intaan arkey حذيفة بن اليمان, سعيد بن المسيب iyo عطاء inkastoo uusan sheegin al-Masjidul-Aqsaa.
Waxaa soo diyaariyay CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa” http://www.freewebs.com/ina-warfaa/